|

MUQDISHO: Arooska Masuul Ka Tirsanaan Jiray Xukuumadda Soomaaliya Oo Waddooyinka Ugu Waaweyn Magaalada Kala Xidhay – Daawo Sawirrada

Muqdisho,19sep,2015(QJ/SDN)-Taliye ku xigeenkii hore ee Nabad sugidda Soomaaliya Cabdifataax Ibraahim Shaaweeye, ayaa xalay arooskiisu ka dhacay magaalada Muqdisho, iyadoo arooska Mr.Shaaweeye uu ahaa mid ka duwan aroosyada caadiga ah ee kale. Arrinta la yaabka leh ee dadka shacabka ah soo jiidatay ayaa waxay tahay in wakhtigii uu aroosku dhacayay la xidhay guud ahaanba Waddooyinka halbowlaha u ah magaalada Muqdisho gaar ahaan waddada weyn ee Makka Al-Mukarrama, waxaana arrintani noqotay mid shacabku aad u hadal hayaan illaa habeenkii xalay, iyadoo baraha bulshadu ku wada xidhiidho si weyn looga hadal hayay isla arrintan.

aroos

Waxaana inta badan dadka shacabka ahi su’aal iska weydiinayeen sababta nin aan hadda dowladda Soomaaliya xil ka hayn arooskiisa jidadka magaalada loogu xidhayo, iyadoo dadka shacabka ahi aad uga qayliyeen arrintan.

Waddada Makka Al-Mukarama Oo Xidhan!

Waddada Makka Al-Mukarama Oo Xidhan!

Arooskan ayaa waxa kasoo qayb galay mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda Soomaaliya gaar ahaan baarlamaanka iyo weliba faaniin caan ah oo ay ugu horreeyaan Lafoole iyo Nimcaan Hillaac.

Inkastoo aan la ogayn cadadka saxda ah ee dhaqaalaha ku baxay arooskan, Haddana  Marka la eego goobta uu aroosku ka dhacay, mas’uuliyiinta iyo fanaaniinta kasoo qayb gashay arooskan, dhaqaalaha ku baxay ayaa ah mid xad dhaafa.

Waddada Makka Al-Mukarama

Waddada Makka Al-Mukarama

Cabdifataax Ibraahim Shaaweeye waxa uu horay usoo qabtay xilka gudoomiye ku xigeen gobolka banaadir ee dhinaca ammaanka, balse hadda Cabdifataax Shaaweeye wax xil ah kama hayo xukuumadda soomaaliya.

Muuqaalka Arooska Cabdifataax Shaaweeye

Muuqaalka Arooska Cabdifataax Shaaweeye

Ugudanbeyntii arooska ninkan ayaa si weyn looga dareemay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, iyadoo hadal haynta ugu weyni ay habeenkii xalay ahayd arooskaasi.

QJ/SDN: Muqdisho

Comments are closed