Hargaysa 19.Aug 2016 (SDN/QJ):- Xildhibaan C.raxmaan Xoog oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Wakiiladda ayaa Sheegay in Madaxweyne Axmed Siilaanyo Isku Shaandhaytiisii u danbaysay iyo Kuwii ka Horeeyayba aanu Simin Xubnaha Golihiisa Xukuumada Isla markaana ay taas Marag u tahay Sida ay Kuraastooda u haystaan Wasiirada ka soo jeeda beeshiisa.
Waxaa kale oo Xildhibaan Xoog u Soo Jeediyey Wasiirkii Hore ee Arrimaha Gudaha Mudane Cali Maxamed Warancade inuu Wakhti Hore iska Casilo Xilkiisa oo Sida uu Sheegay la rifay awoodihiisii Maamul.
“Warancade Waxa uu ii Sheegay in uu Isagu Dalbaday in Loo Magacaabo Safiirka Itoobiya,Balse Waxaa u eekayd Inuu Wakhti Hore is Casilo,Maadaama Xilalkiisii la Rifay ” Xildhibaan Xoog DAAWO
