Warbaahinta Caalamka Oo Si Wayn Uga Faallootay Maskaxdii Ka Danbaysay Weeraarkii Liido iyo Sawirka Nin La Sheegay In Uu ka Danbeeyay

Muqdisho,23Jan,2016(QJ/SDN)-Wasaarada Amniga Qaranka Xukuumada Soomaaliya ayaa xaqiijisay in Ciidanka Nabad Sugida ay gacanta ku dhigeen maskaxdii ka dambeesay Weerarkii habeen hore lagu qaaday Baar kuyaala Xeebta Liido, ninkan la qabtay ayaa sidoo kale la sheegay in uu horey u maleegay weeraro kale oo lagu qaaday Hotelo kuyaala Muqdisho.

Hay’adaha amaanka Dowlada Soomaaliya ayaan wali soo bandhigin xog buuxda oo ku aadan ninka loo xidhay Weerarkii habeen hore lagu qaaday xeebta Liido, waxaana jira warar kala duwan oo kasoo baxaya shaqsiyada ruuxan ay ciidamada amaanka ay xidheen.

Wargeys kasoo baxa dalka Holland oo lagu magacaabo Netherlands Times , ayaa qoray in ninka ay ciidamada amaanka ay u xidheen Weerarkii Liido uu yahay nin haysta dhalashada dalka Holland horeyna u maleegay weeraro kale oo lagu qaaday Hoteelo kuyaala Muqdisho.

Wariye Holland u u dhashay oo lagu magacaabo Harald Doornbos, kana faalooda arimaha dagaalada ayaa sheegay in ninka ay xidheen laamaha amaanka Soomaaliya lagu magacaabo Ismaaciil Muuse Axmed Guuleed, ninkan ayaana haysta dhalashada dalka Holland.

duth

Wargeyska Netherlands Times, ayaa qoray in Ismaaciil Muuse Axmed , uu sidoo kale ahaa maskaxii ka dambeesay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee lagu qaaday Central Hotel ,halkaas oo lagu dilay xubno katirsanaa Dowlada Soomaaliya.

Ninkan ayaa sidoo kale ku eedeesan in uu wax ka maleegay Weerar kale oo ka dhacay dalka Jabuuti sanadii 2014-kii oo lagu dhaawacay lix askari oo u dhashay Dalka Holland oo ku sugnaa goob baar ah oo kuyaala Dalka Jabuuti.

Weerarkii habeen kahor ka dhacay Xeebta Liido ayuu qoray Wargeyska in ay ku lug lahaayeen lix nin oo katirsanaa Al-Shabaab kuwaa oo afar kamid ah la toogtay halka midna uu is qarxiyay midka kale ayuu sheegay Wargeyska in uu yahay ninka la xidhay oo lagu magacaabo Ismaaciil Muuse Axmed.

Ninkan la tuhmayo in ay ciidanka amaanka xidheen Ismaaciil Muuse Axmed Guuleed, ayaa qaxootinimo ku galay dalka Holland sanadii 1992-dii , waxa uuna ninkan dalka Holland kaga noolaa magaalooyinka Helder iyo Tilburg.

Wargeyska ayaa sidoo kale qoray in Ismaaciil Muuse uu dalka Holland ku guursaday gabadh Soomaaliyeed oo iyana haysatay dhalashada dalka Holland taa oo la rumeysan yahay in ay isku qarxisay Hotelka Centreal ee Magaalada Muqdisho sanadkii hore.

Dowlada Holland ayaan wali xaqiijin in ninka la xifhay uu yahay nin haysta dhalashada Dalkaasi, mana jiro ilaa hada xog faah faahsan oo laga hayo shaqsiyada ninka la tuhmayo in uu maleegay Weerarkii lagu qaaday Xeebta Liido.