|

Warbaahinta Somaliland oo laga mamnuucay tebinta warka Soomaaliya iyo waxa ay siisteen

Hargeya (QJ) War anu ka helay qaar ka mid ah suxuufiyiinta ka hawlgala Somaliland aya noogu sheegeen in gebi ahaanba laga mumnuucay tebinta wararka Somalia.

Wariyeyaasha ugu caansan Somaliland ee sida weyn warkooda looga akhristo baraha bulshada ayaan in mudo ahba haatan daabicin wararka Soomaaliya, ka dib kolkii sidaa lagu amray.

Suxuufiyiinta qaar ayaa nala wadaagay in goaanka dabadii loo qoray mushahar shuruudiisu tahay in aaney daabicin wararka Soomaaliya.

Goaankaa ayaa ah mid dhaawac ku ah mihnada saxaafada iyo ta shakhsiyadeed ee dhalintan.

Wararka aanu heleyno ayaa intaa raacinaya in suxuufiyiintu iminka dawlada Somaliland ay siiso min $200 oo dollar bishii.

Waxaana jira walaac la xiriira in ay xukuumada Muuse Biixi hadii ay doonto haatan ka joojin karto saxaafada in ay daabacaan wararka axsaabta qaranka.

Xogtan ayaa dibeda imaneysa xili ay rag hubeysan oo lagu sheegay sirdoonka qaranka ay dhawaan hargeysa ku weerareen kuna dhaaweceen suxufiyiin.

 

Comments are closed