|

Warbixin Daaha ka Rogtay in Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ay Tahay Tii ugu Musuq Maasuqa & Qabyaalada Badnayd ee Somaliland Soo Martay Iyo Doorka Hogaaminta ee Qoyska Madaxweynaha!!!

Hargaysa 02. November 2017 (SDN/QJ):-Warbixin ay soo saareen laba xarumood oo caan ka ah qaaradda Afrika, ayaa lagu sheegay in xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo nqotay xukuumadii ugu musuqa iyo qabyaaladda badnayd ee soo marta Somaliland.

Warbixin ay bishan Oktoobar ee dhammaatay soo saareen labada xarumood ee Academy for Peace and Development (APD) oo xaruntiisu tahay Somaliland iyo The Institute for Security Studies (ISS) oo ah machad caan ah oo xarumo ku leh Koonfur Afrika, Itoobiya iyo Kenya, ayaa si weyn loogu faaqiday doorashada madaxtooyada Somaliland iyo duruufaha ku xeeran.

Warbixintan oo ku qoran luuqadda Ingiriisida oo ay wada jir u diyaariyeen Cumar S Maxamuud iyo Maxamed Faarax oo ka tirsan labada xarumood, ayaa ka sokow doorashada madaxtooyada Somaliland, waxa ay faaqiday  sababaha ay doorashadani muhiim ugu tahay shacabka Somaliland, iyagoo tilmaamay dhaliilaha dul hogganaya xukuumadda madaxweyne Siilaanyo. Warbixinta waxa lagu yidhi “Xukuumadda Siilaanyo waxaa si weyn loogu dhaliilay in ay madax ka tahay maamul ah kii ugu musuqmaasuq iyo qabyaaladda badnaa ee abid soo mara Somaliland.” ayay tidhi warbixinta oo intaas raacisay “Siilaanyo; isagu laf ahaantiisa xaaladdiisa caafimaad may fiicnayn inta badan ee muddadii uu xilka hayey, taas oo horseedday in qoyskiisu talada uga muuqdo si aan hore uga dhicin siyaasadda Somaliland.”

Warbixinta oo tilmaamaysa meelaha qoyska madaxweynuhu  inay dalka ka arrimiyaan tilmaamaysa, waxay tidhi “Hawlgudashada xukuumaddana waxaa laga arki karaa heshiiska muranka badan dhaliyey ee Imaaraadka Carabta. Labada dhinacba waxa uu heshiisku uga muuqday arrin qoys. Weliba waxaa intaa dheeraa warwarka laga qabay in heshiisku aanu ahayn mid daahfuran, oo tusaale ahaan aan la shaacin heshiiska labada dhinac dhexmaray oo dhammaystiran, gaar ahaan heshiiska khuseeya saldhigga milateriga.”

Warbixintani waxa kale oo aad ugu dheeraatay nidaamka qabyaaladeed ee ay doorashada madaxtooyada Somaliland ku salaysantahay iyo sida ay murashixiintu ugu tartamayaan inay hantaan kalsoonida beelaha Somaliland. Warbixinta oo aad moodo inay hoos ugu daadegtay beelaha Somaliland iyo saamayntooda siyaasadeed, ayaa waxa ay isweydiinaysaa in murashax Muuse Biixi oo ka soo jeeda xisbiga KULMIYE uu kursiga xejisan doono iyo inay Faysal ama Cirro oo ka soo jeeda Waddani iyo UCID ay kursiga madaxtnimada Somaliland ku soo ruqaansan doonaan.

Warbixintu waxa kale oo ay soo bandhigtay aragtiyaha ay saddexda murashax ee KULMIYE, WADDANI iyo UCID ay ka aaminsanyihiin afarta qodob ee kala ah dib u habaynta siyaasadda, dhaqaalaha, wada hadalada Somaliland iyo Somaliya iyo weliba mashruuca dekedda Berbera iyo heshiiska saldhiga milatari ee Berbera.

Dib u habaynta siyaasadda

Warbixintu waxa sheegtay in Muuse Biixi uu arrimaha dib u qaabaynta siyaasadda ka aaminsanyahay in doorashada Baarlamaanku ay sida ugu dhaqsaha badan u dhacdo, halka uu Cirro aaminsanyahay inuu dib u eegi doono qaabka doorashada, laakiin uu wakhtigeeda ku qaban doono. Faysal ayay warbixintu sheegtay inuu aaminsanyahay inuu guurtida ku soo koobi doono 41 kursi oo ay soo xuli doonaan beelaha iyo dawladu, isagoo xakamayn doona awoodda madaxda dhaqanka iyo culimada diinta.

Dhaqaalaha

Muuse wuxuu aaminsanyahay dhaqaale ku tiirsan suuq xor ah oo ay dawladu door kooban ku leedahay, Cirro ayaa isna aaminsan fikirka Muuse oo kale oo ah suuq xor ah oo ay dawladu ku leedahay door aad u kooban. Laakiin Faysal wuxuu aaminsanyahay in la helo siyaasad ay dawladu gacanta ku hayso suuqa, waxaanu u doodaa barwaaqo sooran.

Wada hadalada Somaliya

Warbixinta ayaa tilmaantay in saddexda murashax aragti isku dhow ka aaminsanyihiin qaddiyaddan. Muuse Biixi Cabdi, wuxuu qabaa in la helo dhexdhexaadiye caalami ah, waxaanu ka soo horjeedaa ku lug-lahaanshaha Turkiga ee arrintan.

Murashax Cabdiraxmaan-Cirro ayaa aaminsan inaanay dawladan hore wax horumar ah ka gaadhin arrintan, waxaanu raadin doonaa dhexdhexaadiye la fahmi karo. Murashax Faysal Cali Waraabe ayaa isna raadin doona dhexdhexaadin, waxaanu Turkiga u arkaa inuu dhinac yahay.

Dekedda iyo saldhiga

Arrinta dekedda iyo madaarka Berbera, Muuse Biixi wuxuu ixtiraamayaa labada heshiisba, laakiin dib u eegis ayuu samayn doonaa haddii loo baahdo. Murashax Cirro wuxuu dhaleecaynayaa fulinta heshiiska dekedda, waxaanu ku doodayaa inaanu sees sharci ku dhisnayn heshiiska saldhigu.

Faysal Cali Waraabe, isagu labada heshiisba wuu taageersanyahay, laakiin wuxuu qabaa inay u baahan karaan dib u eegis.

Xigasho Wargayska Geeska Africa

Leave a Reply