|

Warbixin Iftiimisay Qaabka Loola Dhaqmo Shaqaalaha Soomaalida ee Dugsiga Kuwait Bariga Hargeysa

Hargaysa 28. November 2016 (SDN/QJ):- Warbixin ay Diyaarisay Warbaahinta Dalsoor ayaa lagu Sheegay in dugsiga Kuwait Charity ee Bariga Magaalada Hargeysa shaqaalaha Soomaalidu kala kulmaan Gumeysi.

dugsiga-kuwait-bariga-hargeysaQaarka mida shaqaalaha Dugsigaasi oo lagu wareystay warbixintan ayaa sheegay inay kala kulmeen maamulka Sare ee dugsigaas cadaadis dhinac Shaqada, kuwaasi oo lagu cadaadinayo Jinsiyada ay yihiin sida ay sheegeen Macalimiintaasi iyo shaqaalaha lagu soo qaaday Barnaamijka laga diyaariyay Dugsigaas.

Wareysiga lala yeeshay qaar ka mida macalimiintu waxaa ay ku sheegeen in mudadii Dugsigaasi furnaa laga Eryay ku dhawaad Dhawr Boqol iskugu jira macalimiin, dirawaliin iyo shaqaale kale oo u dhashey Somaliland, kuwaasi oo aanay jirin sabab rasmiya oo loo eryay shaqaalahaas.

Macalimiintani waxaa ay sidoo kale sheegeen in aanay shaqada u sinayn muwaadiniinta reer Somaliland iyo shaqaalaha kale ee ka yimid dalka Dibadiisa islamarkaana shaqada lagu qadariyo kuwo ka yimid dalalka kale gaar ahaan Masaarida.

“Macalimiinta Masaarida ee ka shaqeysa waxaa jira qaar CVgooda ay diiday dawlada Kuwait oo hadana ka shaqeeya Dugsiga, Waxay ka wada shaqeeyaan  shaqo aanay mid shahaado ah u wadan, Midkii waxaa uu qaataa 1000 ilaa 2000 oo doolar, waxaa u dheer caafimaadkooda, cuntada iyo hoygooda laakiin Kuwo u dhashay Somaliland ee Masterka Sita waxaanu qaadana 300 Doolar ilaa 400 inta u dhaxaysa”ayuu yidhi Jaamac Xuseen oo macalin ka ah Dugsigaas.

Maamulka Dugsiga waxaa lagu sheegay warbixintani inay Qaraabo dhaw wada yihiin taasina ay keentay in Macalimiinta Shaqaalaha Soomaalida si xun loola dhaqmo “ Waa wada Qaraabo ninka meesha ugu sareeyaa Ciid baa la yidhaahdaa gabadhiisu waxay maamushaa Dugsiga, ninka qaybta farsamada haysta Gabadhiisu waxay Maamushaa Qaybta Hablaha”ayuu Maxamed Cabdi oo isna macalin ka noqday Dugsiga Kuwait.

Warbixintan waxaa lagu sheegay inaan macalimiinta Dugsiga meel lacagta lagu wada siin si loo kala qariyo Mushaharooyinka ay qaadanayaan kuwo ka yimid dalka dibadiisa iyo kuwa muwaadiniinta ee u dhashay Somaliland.

“Soomaalida Lacagta waxaa la siin jiray bisha markay Dhamaato oo Gooni ayaa loo siin jiray, Masaarida iyo macalimiinta kale ee ajaanibka ahna waxaa la siin jiray Bisha oo aan dhamaan”ayuu yidhi mar kale Maxamed Cabdi.

Guddoomiyaha Xuquuqal Insaanka Madaxa Banaan Guuleed Axmed Jaamac oo warbixintani sidoo kale soo qaadatay waxaa uu sheegay in aanay jirin sharci lagu dabo galo Haayadaasi Kuwait siday muwaadiniinta ula shaqeynayo iyo ilaalinta Xuquuqdooda.

“Waxay u shaqeynayaan sidii Nidaam boqortooyo dalkana waxaa looga shaqeeyaa Dimuqraadiyad, waxaan jirin sharcigii ku daba gali lahaa sida muwaadiniinta loola dhaqmo”ayuu yidhi Guddoomiyaha Xuquuqal Insaanka Madaxa Banaan Guuleed Axmed Jaamac.

Comments are closed