|

Warbixin & Sawirro : Khasaaraha Weerarkii Ismiidaaminta Ahaa Ee Maanta Ka Dhacay Degmada Wadajir ee Muqdisho & Raysal Wasaaraha Somalia oo Ka Hadlay

Muqdisho 20. June 2017 (SDN/QJ):- Waxaa isa soo taraya khasaaraha ka dhashay weerar ismiidaamin ah duhurnimadii maanta lagu qaaday xarunta degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Weerarkan ayaa loo adeegsaday gaari nooca CAASIGA ah oo laga soo buuxiyay walxaha qaraxa kaa oo siweyn loogu ekeysiiyay  gadiidka khudaarta iyo caanaha keena kuwaa oo inta badan lagu canshuuro xarunta degmada.

Goob joogayaal ah oo aan la xiriirnay ayaa inoo sheegay in qaraxa oo ahaa mid xoogan khasaare ballaaran u geystay xarunta iyo guud ahaanba dhismayaashii ka agdhawaa oo bur bur weyn uu soo gaaray.

Tirada dhimashada ayaa la sheegay in ay gaartay 15 ruux, halka gadiidka gurmadka deg deg ah halkaa ka qaadeen dhaawacyada dad u badnaa rayid kuwaa oo la kala geeyay goobaha caafimaadka magaalada Muqdisho.

Wararka qaar ayaa sheegaya in dadka ku dhaawacmay qaraxa uu ka mid yahay guddoomiyaha cusub ee degmada Wadajir Cumar C/llaahi Xassan iyo qaar ka mid ah ilaaladiisa.

Xarunta la weeraray ayaa siweyn ugu dhaw Suuqa degmada Wadajir oo ka mid ah Suuqyada ugu mashquulka badan magaalada Muqdisho.

Waxaa halka uu qaraxa ka dhacay ku sugan ciidamada amniga dowladda Soomaaliya oo xiray dhamaanba jidadka soo gala goobta uu qaraxa ka dhacay, waxaana jira meydad  wali laga soo saarayo dhismayaasha bur buray hoostooda.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada qaraxa ismiidaaminta ee ka dhacay xarunta degmada Wadajir, waxaana qaraxan uu imanaya xili isla todobaadkan Al-shabaab weerar culus ku qaadeen maqaayada Pizza House ee degmada Hodan oo ay ku dhinteen dad ka badan 20 ruux.

Dhanka Kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa si kulul u cambaareeyey qarax ismiidaamin ahaa oo lagu weeraray xarunta degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.

War saxaafadeed ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa tacsi loogu diray dadkii ku dhintay weerarkan, waxaa uu Alle uga baryay in dadkii ku dhintay in Jannadii Fardowso ka waraabiyo, isagoo inta dhaawacantay u rajeeyay inay ka bogsadaan dhaawaca.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in weerarkan lagu soo beegay xilli ay dadka Soomaaliyeed ku jireen diyaar garowga ciida iyo maalmihii u danbeeyey ee Bisha barakeysan ee Ramadaan, sidaas awgeedna ay tallaabadani ka tarjumeyso ujeedooyinka gurracan ee kooxda Al-shabaab waa sida uu hadalka u dhigay ra’iisal wasaaraha.

”Kooxda Al-Shabaab waa ay u soo jeesteen in ay shacabka isku qarxiyaan ee ma wadaan dan Soomaaliyeed, mana heystaan diin, waana in aan meel uga soo wadajeesano oo juhdi walba aan ku bixinaa. Waxey rabaan inay taariikhda ummada baaba’iyaan, waxey bartilmaameystaan maatada iyo carruurta, mana galaan wallaal”ayuu yiri ra’iisul wasaaraha.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa ugu baaqay dhalinyarada kooxdan ka tirsan inay ka faa’iideystaan fursada cafiska oo uu madaxweyne Farmaajo u fidiyey si ay dib u dhiska dalka uga qeybqaataan.

Comments are closed