Gaarissa March 22 2013 (SDN)— Maxamuud Cabdi Raxmaan beene beene oo ka mid ahaa Wariyayaashii Idaacadii Horn Afric ayaa xalay ku geeriyooday Xerada Dhadhaab ee gobolka NFD.
Alaha u naxariista Wariyaha ayaa waxa uu u geeriyooday xanuun hayay mudooyinkii dambe sida ay Eheladiisa sheegeen.
Beene baane ayaa la xanuunsanayay cudurka Sokorto iyo cuduro kale oo is biirsaday oo ugu dambeyn uu u dhintay.
Maxamuud Cabdi Raxmaan ayaa Idaacadii Horn Afric uga soo warami jiray gobolka Sh/hoose , waxaana sanadihii dambe uu u wareegay Kenya.
Dhamaan bahda Saxaafadda waxa ay leeyihiin Eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday allaha u naxariisto iyagana samir iyo imaan alaha ka siiyo.
SDN- Gaarissa
