|

Wariye Jimcaale Dayib Cali oo Maalintii 5-aad Maxkamad La,aan ugu Xidhan iyo Maayarka Gabiley ka hor istaagay in lagu soo Booqdo Xabsiga

Hargaysa 10. December 2017 (SDN/QJ):-Wariye Jimcaale Dayib Cali oo ka mid ah Bahda Warbaahinta Somaliland ayaa Maalintii 5-aad Sifo Sharci Darro ugu Xidhan Xabsi wayn ee Magaalada Gabiley, iyada oo aan wali la Horgaynin wax Maxkamad ah.
Wariyaha ayaa u Xidhan Dacwad Tuhun ah oo uu Ku soo Oogay Maayarka Gabiley kaasi oo illaa hadda ka Warwareegaya in uu Sharciga Horgeeyo, ama Tixgaliyo Xeerka Saxaafada Somaliland.
Wariye Jimcaale oo aanu isku Daynay inaanu ku Booqano Xabsiga Gabiley ayaa Ciidanka Ilaalada jeelku waxa ay noo Sheegeen in aanay Cidna usii dayn Karin oo Maayarku Ku Amray in aan Lasoo Booqan Karin, taasi oo noqonaysa Cabudhin kale oo arxan darro ah oo lagu Tumanayo Xuquuqdiisa muwaadinimo.
Ma aha Markii ugu horeysay ee Maayar Maxamed-amiin Cumar Cabdi sidan oo kale Cabudhin iyo Ciqaab ugu gaysto Wariye Madaxbanaan oo Hawlmaalmeedkiisa shaqo Gudanaya iyada oo hore uu Warbaahinta Qaarkood uga Saxeexday Heshiis xaaraan ah oo sheegaya inaan Wax ku lidi iyo Cabasho bulsho toona aanay ka Baahin Karin Gobolka.
Mid ka mid ah Saraakiisha ciidanka Asluubta oo haldoornews wax ka waydiiyey Arimaha maxaabiista ku xidhan Xabsiga Gabiley ayaa sheegay in ku dhawaad dhawr iyo tobadan qof tuhun iyo Arimo shaqsi ugu xidhanyihiin Maayarka gabiley kuwaasi oo qaarkood cabasho ay gudbiyeen lagu xidhay.
Xukuumada Madaxwayne Siilaanyo ayaa hore uxidhay suxufiyiintii ugu badnaa Somaliland iyada oo Xarumo wargaysyada qaarkoodna wali xidhanyihiin.
Xukuumada Cusub ee Madaxwayne Muuse Biixi Waxaanu leenahay Inamadan Yaryar ee Xilkii Umadda ka dhigay Wax Muwaadiniinta loogu Awood sheegto yaan shacabka Kaa hor keenin ee Wax ka Qabo, qofkii danbi Gala Maxkamad hala horgeeyo balse yaanay Jeelashu noqon Meel shaqsiyaad gaar ahi ku Aargoostaan, haddii kale waxay Abuuri kartaa Cadaawad ay riiqdeedu xumaato.

Comments are closed