|

Wasaaradda Waxbarashadda Iyo Tacliinta Sare Ayaa Shir Balaadhan La Yeelatay Maamulayaasha Dugsiyadda Gobolka Maroodi Jeex

Hargaysa 18. August 2017 (SDN/QJ):- Wasaaradda waxbarashadda iyo tacliinta sare ayaa shir balaadhan la yeelatay maamulayaasha dugsiyadda gobolka maroodi jeex, shirkaasi oo lagu qabtay hoolka shirarka ee xarunta wasaaradda waxbarashadda ayaa waxa ay u jeedadiisu daaranayd guud ahaan sidii loo dardar-galin lahaa habsami u socodka waxbarashadda dalka.

Waxa shirkaasi ka soo qayb-galay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadda Mudane Cabdilaahi Ibraahim Habane, Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Waxbarashadda Mudane Axmed Xuseen Rooble, Gudoomiyaha Imtixaanaadka Qaranka Mudane Daa’uud Axmed Faarax, Agaasimayaasha Waaxaha Wasaaradda Waxbarashadda iyo Maamulayaasha dugsiyadda gobolka maroodi jeex.

Kullankaasi oo lagu lafagurey arrimo badan waxa ugu horeyn ka hadlay gudoomiyaha imtixaanaadka qaranka mudane Da’uud Axmed Faarax waxaanu dhankiisa ka warbixiyey halka ay marayo sixitaanka imtixaanaadkii shahaadiga ah kaasi oo ay galeen dugsiyadda dhexe iyo kuwa sare ee Somaliland. Sidoo kale waxa uu gudoomiyuhu shirkaa hortiisa ka shaaciyey macalimiin si sharci daro ah ardayda Qish ugu dirayey ardayda mudadii uu imtixaanaadku socdeen, isaga oo arrimahaa iyo kuwa kaleba ka hadlaya waxa uu gudoomiyuhu hadalkiisa ku bilaabay; walaalayaal weli waxan ku gudo jirnaa hawshii sixitaanka imtixaanka, waxanan ku rejo-weynahay in aanu shaacino natiijadda imtixaanka horaanta bisha sagaalaad. Waxa kale oo aan idin farayaa in aad soo diyaarisaan macluumaadkii looga baahnaa ardayda si loogu diyaariyo shahaadooyinkii. Sidoo kale waxan maanta halkan ka shaacin doonaa macalimiintii sida sharci daradda ah ardayda ugu diraysey qishka intii uu imtixaanku socday, sidaa darteed waxan idiinka baahanahay haddii aad maamulayaashii dugsiyadda tihiin in aan meel uga soo wada jeesano arrintaa qishka oo dhib weyn ku haysa koboca iyo tayadda waxbarashadda dalkeena.

 

Waxa isaguna munaasibadaasi hadal ka soo jeediyey mulkiilaha dugsiyadda Nuura-diin Mudane mahad isaga oo ku hadlaya afka dugsiyadda shirkaasi ka soo qayb-galay, waxaanu sheegay in ay diyaar u yihiin fulinta amaradda wasaaraddu ka soo saarto dhanka waxbarashadda, waxaanu ku nuux-nuuxsaday in aanay waxba kala hadhi doonin dedaaladda ay wasaaraddu ku doonayso in ay ku tayeyso guud ahaan waxbarashadda dalka.

Ugu danbayn wasiirka wasaaradda waxbarashadda iyo tacliinta sare ayaa shirkaasi soo afmeeray waxaanu halkaasi ka soo jeediyey hadalo dardaaran iyo guubaabo iskugu jiray kuwaasi oo ku wajahnaa munaasibadan ay ku kulmeen maamulayaasha dugsiyadda gobolka maroodi jeex iyo wasaaradda waxbarashaddu, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay wasiirku; wasaaradda waxbarashaddu waxay dedaal ugu jirtaa sidii loo tayeyn lahaa waxbrashadda dalkeena sidaa darteed waxa maamul ahaan wasaaraddu idinku amraysaa in aad dedaalkaa dhankiina kaga hagaagtaan. Waxa kale oo aan idinku amrayaa in aydaan ardayda sii qaadan ka hor inta aan la soo saarin natiijadda imtixaanaadka dugsiyadda dalka kaasi oo sixistiisa lagu gudo jiro. Walaalayaal waxa inoo balan ah in aan ku tartan dhanka tayadda iyo wanaaga laakiin yeynaa ku borotomin dhanka xumaanta. Dhawaan wasaaraddu waxay idinku soo mari doontaa kormeer balaadhan kaasi oo aan ugu kuur-gali doono sida aad u hirgaliseen go’aamadii wasaaraddu soo saartay ee ah in aan la qaadan arday ilaa iyo inta la shaacinayo imtixaanka, waayo maxaynu imtixaanka u qaadaynaa oo aan waxaas oo dhib iyo hawl ah u galaynaa haddii aad arday bilaa shaaado ah fadhiisinaysaan dugsiyadeena. Walaalayaal waxan idiinka digayaa in aydaan sidaa yeelin, dugsigii lagu qabto arrintaasi waxanu ka qaadi doonaa talaabo sharciga waafaqsan.

Comments are closed