|

Xildhibaano u Codeeyay Murashax Talyanle oo Mudane Baashe Maxamed Faarax u aqoonsaday Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda DAAWO

Hargaysa 18. August 2017 (SDN/QJ):- Xildhibaanno ka tirsan golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland oo u coddeeyay xildhibaan Cabdiraxmaan  Tayanle doorashadii Guddoomiyaha aqalkaas ee 6-dii Bishan qabsoontay, ayaa shaaciyay  inay u aqoonsan yihiin   Guddoomiyaha cusub ee golaha  Baashe Maxamed Faarax.

Xildhibaan Mahdi  Xuseen Caddare,   Xildhibaan  Mahdi  Cabdilaahi Maxamuud  iyo  Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac oo si wadajir ah shirjaraaid ugu qabtay magaalada Hargaysa, ayaa u soo jeediyay  xisbiga Waddani in aanay olole siyaasadeed ka dhigan doorashadii  guddoomiyaha wakiillada, waxaanay tilmaameen in maxkamadda sare ayiday sharciyadii doorashada.

Xildhibaan Mahdi Xuseen Caddare ayaa ku dooday  in uu coddeeyay xildhibaan Tayanle isagoo ka tirsan xisbiga Kulmiye,waxaannu qiray  in guddoomiyahooda  sharciga ahi yahay Baash Maxamed Faarax.

“Anigoo xisbi xaakimka ka tirsan waxaan codeeyay xildhibaan Cabdiraxmaan Tayanle, waana la kala guulaystay maadaama oo aan u codaynay Tayanle annagoo ciddina na khasbin, waxaan leeyahay oo aan soo jeedinayaa in saacadaa laga bilaabo uu yahay guddoomiyaha golaha wakiilladu Baashe Maxamed Faarax oo aanu u aqoonsan nahay,  waana in arrintani  halkaa ku dhammaato.

Maxkamadda sare si sax ah  ayay u garnaqday oo sharciga ayay raacday    cidna may raacin,  waxaannu usoo jeedinaynaa xisbiga Waddani in aanay  olole  ka dhigan  arrintan olale siyaasadeed loogama baahna meeshu waa golihii wakiillada shacbigana in la wareeriyo maaha iyadoo doorasho innagu soo fool leedahay,”ayuu yidhi Xildhibaan Mahdi Xuseen Caddare.

 

Xildhibaan  Mahdi Cabdilaahi Maxamuud  ayaa  sheegay in uu aqoonsan yahay Baashe Maxamed Faarax waxaannu yidhi; “Doorashadii lagu dooranayay guddoomiyaha wakiillada,  Waxaan  u coddeeyay Xildhibaan Cabdiraxmaan  Tayanle,  markii lagu dhawaaqay  in   guddoomiyaha wakiilladdu   yahay  Baashe Maxamed Faarax,  wuu hambalyeeyay xildhibaan Tayanle.

Annagu waxaannu ugu talogalnay in Baashe aanu  ridno,  nasiibkiisa ayuu ka qaaday   ka dibna maxkamada sare ayaan dacwad u gudbinay iyaduna  waxay xukuntay in guddoomiyaha rasmiga ahi uu yahay Baashe Maxamed Faarax waxaana saacadaas  laga  bilaabo u aqoonsan nahay   guddoomiyaha golaha  Baashe,waxaana la doonayaa in muran la geliyo guddoomiyenimada golaha.”

Sidoo kale   Xildhibaan   Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac, oo isna shirkaas jaraa’id ka hadlay“Xisbigii Kulmiye ee aan ka tirsanaa waan ka codeeyay waxaana aan u codeeyay xildhibaan  Cabdiraxmaan  Tayanle oo Baashe waan ka codeeyay,xildhibaan Tayanle wuu hambalyeeyay  guddoomiyaha  golaha wakiillada Baashe Maxamed Faarax,muranna  darteed guddoomyaha golaha wakiilada waa  Baashe isaga ayaannu     u ictiraafsan nahay.”

Comments are closed