|

“Wasaaradda Waxbarashadu dhaar bay ku martay inay sanadkan maanta ah qishka la dagaallanto, waayo dacaayado badan baa inagu socda….”Da’ud Axmed Faarah

Hargaysa 19. May 2017 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha guddida imtixaanaadka qaranka Md. Daa’uud Axmed Faarax, ayaa ka hadlay heerka ay gaadhsiisan tahay qishka ay ardkaydu ku sameeyaan imtixaannada shahaadiga ah ee dalka laga qabto, waxana uu farriin u diray maamuleyaasha dugsiyada iyo weliba waalidiinta ardayda dhashayba.

Guddoomiye Daa’uud oo ka hadlay shir uu la yeeshay maamuleyaasha dugsiyada dalka qaarkood, ayaa si cad u sheegay inay wasaaradda waxbarashada ka go’an tahay inay meel adag iska taagto qishka imtixaanaadka, waxana uu xusay inuu qishku dilayo haybadda waxbarasho iyo sumcadda dalkaba, waxana uu yidhi, “Wasaaradda Waxbarashadu dhaar bay ku martay inay sanadkan maanta ah qishka la dagaallanto, waayo dacaayado badan baa inagu socda, haddii uu Berri wasiir aan waxba garanaynini kuusoo baxona waa mushkilad.”

 

Waxa uu guddoomiyuhu maamuleyaasha dugsiyada u sheegay inay iska saaraan warwarka ay ka qabaan ardayda imtixaanaadka dhacaysa, isaga oo xusay inaanay taasi shaqadii loo igmaday ahayn, “Maaumulow waligeed  may dhicin maamule lagu eryay aradaydaadii baa dhacdaye waxa lagu eryi karaa inuu manhajka gudbin waayo, xagna looguma laha maamulaha maxay ardaydu imtixaanka u gudbi weyday, xilkaasina maamulaha ma saarna,” ayuu yidhi Daa’uud Axmed Faarax.

 

Qishka Imtaxaanaadka shahaadiga ah ee dugsiyada Afraad ee dugsiyada sare iyo fasallada siddeedaad ee dugsiyada dhexe, ayaa dhibaato ku ah hannaanka waxbarasho ee Somaliland, waxana weli la’ yahay xal waara oo lagula dagaallamo dhibka ka dhasha qisha ay ardaydu sameeyaan.

Comments are closed