|

Wasaaradda Xannaanadda Xoolaha ee Somaliland oo Shaacisay in Laba Milyan oo Neef ay Tallaalayso

Hargaysa 21. April 2017 (SDN/QJ):- Wasiirka Wasaaradda Xanaannada xoolaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse), ayaa sheegay in wasaaraddiisu ay dalka ka bilawday olole ballaadhan oo lagu tallaalayo xoolo gaadhaya laba milyan oo neef.

Wasiirku waxa uu sheegay in abaarta baaxadda weyn ee dalka ka taagani ay sababtay in ay le’daan xoolo tiro badan, baaqigii hadhayna ay soo wajahday nafaqo darro ka dhalatay baad la’aanta iyo biyo la’aanta dalka ka taagan, sidaa darteedna ay wasaaraddu bilowday qorshe lagu nafaqaynayo laguna dawaynayo baaqiga hadhay ee xoolaha dalkeenna.

“Maalmahan waxaa socday mashruuc daawayn ah, waad ogtihiin oo xilli xun oo abaar ah ayaynu ku jirnaa, gobollada qaarkoodna saddex sanno ayay abaartaasi tirsanaysaa, markaa xoolihii waxaa ku yimmi baad la’aan iyo biyo la’aan, taasina waxay keentay in ay xooluhu guuraan oo gaadiid lagu qaado, waxay keentay in xoolo badani ay innaga baxaan  iyo in ay dad badani caydhoobeen.

Xukuumadda Somaliland dedaal badan ayay samaysay, dedaalkaasina waa ka aynu halkan ku soo gaadhnay, markii ay xukuumadda iyo dadwaynuhu iska kaashadeen in ay xoolo ururiyaan oo raashin iyo biyo lala gaadho dadka, ILLLAAHAY-na wuu inala qabtay,”ayuu yidhi Wasiir Cukuse oo la hadlay warbaahinta shalay.

 

Wasiirku waxa uu sheegay in mashuuracan lagu daawaynayo xoolo gaadhaya laba milyan oo neef, waxaannu yidhi “Mashruucan waxaanu ugu talogalnay in lagu nafaqeeyo laba milyan oo neef, laguna daweeeyo, waxaan uga jeeddaa xoolaha caatoobay ee aan iska xejinaynin cudurrada waxaa la siinayaa daawooyin jidhkooda iyo awoodooda dib u soo celiya, kuwa uu xannuun haleelayna waxaa la siinayaa dawooyinkii cudurada ka dawayn lahaa, illaa hadda mashruucaasi wuu socdaa, intii u badnaydna waa la daaweeyay waxaanu marayaa gabagabo.”

 

Cabdillaahi Cukuse waxa uu intaasi raaciyay, “Mushkilada dalka taallaa waa biyo la’aan, biyaha ayaa innagu yar, balliyo badan ayaynu samaynay hadda, dalka intii ay ka jirtay xukuumadda madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo labaatankii sannadood ee ka horreeyay dawladdnimada Somaliland way isku afar jeer laabmayaan ceelasha la qoday, haddana wali innaguma filna, kii ugu dambeeyay waa haradan laga qoday Xumbo-wayne ee aad aragtaan biyaha hadda fadhiya.”

Wasiirku waxa uu sheegay in biyo macaan laga soo saaray degamada Salaxlley , gaar ahaan banka Qool-caday, waxaanu yidhi;  “Ceelkaas hadda way ka cabayaan dadku, dabcan biyaha ayaa la hadlaya oo in ay biyo yihiin u sheegaya, oo in aan laga iibinayn u sheegaya dadka, dararkii baa loo sameeyay, meelihii xoolaha lagu maamulayayna waa loo sameeyay. Waxaanu samaynay toddoba xannaano oo dawadii xoolahana la dhigayo oo laga shaqaalaysiinayo laba qof oo la tababarayo oo lagu soo tababarayo iskuulka xoolaha ee Sheekh.”

Comments are closed