|

Dawlada Federaalka ee uu Hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo oo Hadal aan Ficil wadan  kaga Jawaabtay Digniintii Alshabaab ee Caruurta Somalia inaanay Dugsiyada Dawlada Wax ka baran

Muqdisho 21. April 2017 (SDN/QJ):-Dowladda Somalia ayaa cambaareysay digniin uu soo saaray ururka Al-Shabab oo uga digaya waalidiinta Soomaalida inay carruurta u diraan Iskuullada iyo Jaamacadaha aan Islaamiga ahayn.

Wasiirka warfaafinta dowladda Somalia Cabdiraxman Cumar Cusmaan ayaa sheegay in talaabada Al-Shabaab ay muujineyso mas’uuliyad darada madaxdooda iyo sida ay uga soo horjeedaan jiritaanka dadka Soomaaliyeed.

 

“Al-shabaab waxay isku dayaysaa inay carruurta ka hor istaagaan waxbarashada quman, waxayna rabaan inay maskaxda ka badalaan si ay u noqdaan kuwo iyaga taabacsan oo aan su’aal ka keenin afkaartooda dagaalka iyo qarbudaada ku dhisan” ayuu yiri Wasiirka.

 

Digniinta Al-Shabaab ayaa waxaa jeediyay afhayeenkooda Sheekh Cali Maxamuud Raage oo soo duubay cod 26 daqiiqo.

 

Codka Shiikh Cali dheere oo lagu baahiyay baraha taageera Al-Shabaab ayaa waxaa ku sheegay in carruurtu ay aadi karaan oo kaliya Iskuulada Islaamiga ah, isagoo sheegay in kuwa kale aysan wanaagsaneyn.

 

Waxa uu uga digay jaamacadaha iyo iskuulada iyo cid kasta oo gacan ka geysata ka qeyb qaadashada manhaj faafinaya sida uu hadalka u dhigay dhaqanka reer galbeedka inay cawaaqib ka kulmi doonto.

Comments are closed