|

Wasiir Cali Mareexaan Oo $6000 ugu Deeqay Nin Xanuunka Dhimirka Qabay 20-Sanno Oo Ku nool Burco

CALI MAREEXAAN

Burco,3,8,2016 (QJ/SDN) – Wasiirka Hawlaha guud iyo guriyeynta Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cali Xasan Maxamed [Cali Marreexaan] ayaa deeq lacageed oo dhan 6000 oo dollar gaadhsiiyay nin xanuunka dhimirka qabay in ka badan 20 sanadood oo ku nool magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer.

Wasiir Cali Mareexaan ayaa lacagtan ku hagaajiyay Wariye CabdiMaalik Muuse Coldoon oo isagu xaaladda ninkani soo bandhigay, iyadoo maalinkii shalay ahaana Wasiirka arrimaha gudaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uu ninkani usoo diray Lacag dhan 1000-dollar.

Xaaladda Ninkani oo indhaha Dadka Soomaaliyeed si wayn usoo jiidatay ayaa waxa si aad ah loogu faafiyay warkiisa baraha Bulshada iyo warbaahinta soomaalida qaar ka mid ah – iyadoo xaaladdiisii hore ee liidatay uu hadda kasoo raynayo isla markaana uu helay daryeel iyo gurmad.

Ugu danbeyntii, Ninkani ayaa mudaddii uu qabay xanuunka dhimirka waxa uu ku xidhnaa Sil-silad taasi oo goysay mid ah kamid ah lugiisa.

Si kastaba ha ahaatee, lacagtan kaalmada ah ee uu gaadhsiiyay Wasiir Cali Marreexaan ayaa noqonaysa Kaalmadii ugu horraysay ee Masuul xukuumadda Somaliland ka tirsan uu gaadhsiiso.

Comments are closed