|

Marwo Edna Aadan Oo Ka Hadashay Siyaasadda Turkiga Ee Ku Waajahan Qadiyadda Somaliland

Hargeysa, 3,8,2016 (QJ/SDN) – Dhinaca kalana Marwo Edna Aadan Ismaaciil waraysi gaar ah oo ay siisay wargeyska Geeska Afriika waxa ay dhexdhexaadnimada Turkigu ka geli karo wada hadallada Somaliland Soomaaliya, iyo hadalkii uu dhowaan safiirka dawlada Turkiga u fadhiya Soomaliya kaga hadlay baasaaboorka Somaliland iyo aragtidiisa madaxbanaanida Somaliland.

Marwo Edna Aadan oo arimahaas ka hadlaysaana waxay tidhi “Waanu ognahay inaanu Turkigu aqoonsanayn Somaliland, waanay cadahay inuu Turkigu toos ugu eexdo Soomaaliya waxna la qabto, haddii uu Turkigu waddo ka sameeyey Soomaaliland waxaan leeyahay ha la’ laabto, haddii uu Turkigu cusbitaal ka dhisay Somaliland waxaan leeyahay ka fujisto, haddii uu madaar ka dhisayna ha fujisto, waxa xaqiiqo ah in aanay jirin wax uu Somaliland u qabtay halka aynu ka war hayno waxa uu Soomaaliya u qabtay iyo mashaariicda uu ka fuliyey.”

Marwo Edna Aadan oo ka hadlaysa arinta dugsiga Nile Academy ee ku yaala magaalada Hargeysa ee Turkigu doonayo in la xidho ayaa waxa ay tidhi “Turkigu waxa uu doonayaa oo uu dawlada Somaliland ka codsaday in dugsiga Nile Academy ee caruurtu inoo dhigato waxna inooga bartaan dalka laga saaro, waxaanu doonayaa inuu danihiisa inagu qasbo taasina wax suurta galaya maaha.”

Marwo Edna Aadan Ismaaciil oo mar kale ka hadlaysa sida ay iskugu soo dhawaan karaan Somaliland iyo Turkigu ayaa waxay tidhi “ Madaxweynaha Turkigu wali cagihiisa muu soo dhigin Somaliland wax mashaariic ah oo uu ka fuliyeyna ma jirto, waxaan leeyahay Turkiga,  Somaliland waa dal madax banaan waana dawlad isku tashatay, waa dad mid ah oo qaranimadooda ilaashanaya  midnimo dambe-na aan doonayn  haddii aad doonayso inuu xidhiidhkeenu wacnaado ugu horayn waa inaad qirtaa madaxbanaanida Somaliland iyo dawladnimadayada oo aad iska daysaa Soomaalidan aad nala doonaysid haddii aad taas hir gelisana xidhiidhkeenu wuu wacnaan doonaa si wacanna waynu u wada shaqayn doonaa.”

Comments are closed