Ceerigaabo 18.Nov 2015 (SDN/QJ):-Wasiirka Dib u dejinta Somaliland Cali Siciid Raygal, ayaa sheegay in horumarka gobolka Sanaag ay fadhiid u noqdeen ka dib markii iskuduweyaasha laamaha dawladdu ay noqdeen qaar xafiisyadda ku raagay oo isa siiyay masuuliyadda ay ummadda u hayaan.
Wasiirka Dib u dejinta oo ka mid ah wefti Wasiirro ah oo socdaal ku jooga Ceerigaabo ayaa khudbad uu u jeediyay laamaha dawladda gobolka Sanaag, waxa uu ku dhaliilay in weftigii Wasiirrada ee booqashadda ku jooga gobolkaasi ay soo dhaweyntii loo sameeyay ay ku yaraayeen isku-duweyaasha gobolku.
https://www.youtube.com/watch?v=xjUJB3R_iKw
