|

Wasiir Ku-xigeen Sii Xoojinaya Dhaqdhaqaaqyada Puntland Ka Waddo SOOL Oo Shalay Tagay Tukaraq

Laascaanood 25. December 2017 (SDN/QJ):-Maamul Gobolleedka Puntland oo Maalmihii u dambeeyay dhaqdhaqaaq Ciidan ka waday meelo ka mid ah Gobolka Sool ee Somaliland, ayaa masuuliyiin ka socdaa waxay Shalay socdaal ku tageen deegaanka Tukaraq.

Wefti uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Maamulka Puntland Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan, ayaa isagoo wata Ciidamo badan oo ilaalo u ahaa waxa uu safar ku tagay deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool ee Somaliland, waxaanu kormeeray dhismayaal Maamulkaasi dhawaan ka hirgeliyey halkaasi, kuwaasi oo Dadka deegaankaasi ku dhaqan ku sheegeen in halkaa looga hirgeliyey dhul-ballaadhsi Puntland halkaasi ka waddo.

Wasiir ku-xigeenkan oo hadallo u jeediyey Dad ciidan u badnaa halkaa ku soo dhaweeyay ayaa yidhi “Waxaanu u nimid qaababka Wasaaradda Maaliyaddu uga hawl-gasho Degmada Tukaraq, aad baan ugu faraxsanahay sida shaqadu u socoto. Waxa kale oo intaa noo raaca inaanu eegno dhismeyaasha, waxaanuna doonaynaa in inta hadhay aanu isa soo raacino si loo bilaabo wejiga labaad dhismeyaasha.”

Dhismeyaasha Maamulka Puntland ka dhisay deegaannada Tukaraq ka mid tahay ee gudaha Gobolka Sool ee Somaliland, waxa hore uga gadooday Dadka deegaankaasi ku dhaqan, kuwaasi oo sheegay in Puntland doonayso inay la wareegto dhulkooda Somaliland.

Dhismayaashan ayaa waxa ka dambeeyay weerarro beel ka soo jeedda Puntland isla-markaana deegaankoodu yahay degmada Burtinle ee Gobolka Mudug ay Maalmihii u dambeeyay ku hayeen deegaanno ka mid ah Gobolka Sool, gaar ahaan Qoriley, Xoore iyo Cagaare, deegaannadaasi oo ay ka dhaceen Dagaallo ay ku dhinteen Dad gaadhaya illaa 11 Qof, Dad kalena ku dhaawacmeen.

Dhaqdhaqaaqyada Puntland, ayaa illaa hadda waxa dusha ka eegaysa Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland oo kumanaan Ciidammadeeda Milletarigu ka joogaan Gobolka Sool.

Comments are closed