Wasiir Xagla-toosiye oo Ka Xanaaqey Su’aalo ay Ku Boobeen Warbaahinta Boorama ”Anagu Waxaanu La Tacaalaynaa Waa Shuban Biyood Laakiin Daacuunkuu…” DAAWO

Boorama 13. June 2017 (SDN/QJ):- Wasiirka wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr.Saleebaan Ciise Axmed Xagla-toosiye,ayaa ku haftay su’aalo adag oo ay ku boobeen warbaahinta gobalka Awdal, waxaana uu kaga galgashay dhaleecayn iyo indho iska tuurid uu kaga gabanaayey su’aalaha wax laga weydiiyey ee xaqiiqada ku fadhiya.