|

Wasiirada Xukuumadda  Xilka Wareejinaysa Qaarkood oo Bilaabay Magacaabista Masuuliyiin iyo Waaxo Cusub oo Caqabad ku ah Xukuumadda Soo Socota

Hargaysa 06. December 2017 (SDN/QJ):-Maalmihii u dambeeyay waxaa socday dedaallo ay wasiiradda Xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo ee xilka ku wareejinaysa Madaxweynaha la doortay ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi ay ku magacaabayaan waaxo cusub oo ay wasaaradahooda ku soo kordhinayaan iyo madax-waaxeedyo cusub oo ay magacaabayaan.

 

Madax-waaxeedyada  ay magacaabayaan ayaa ah kuwo ku sucub wasaaradaha isla  markaana xil iyo shaqo loogu samaynayo shaqsiyaad ay wasiiradda tallaabooyinkan qaaday isku xidhan yihiin.

 

Magacaabista waaxo cusub oo doorashadii ka dib lagu soo kordhiyo wasaaradaha qaarkood ayaa ah caqabad horleh oo laga dhex sameeyay wasaaradaha  madaxdoodu tallaabadan ay ku dhaqaaqeen,waxaanay mushkilad ku yihiin waaxaha cusub ee wasiirada maalmaha koobani xilka uga hadhsan yihiin ay magacaabayaan wasiiradda xilka kala wareegi doona ka dib marka uu madaxweynaha la doortay Muues Biixi talada dalka la wareego soona dhiso golaha Xukuumaddiisa.

 

Dadka ka faallooda siyaasadda Somaliland ayaa tilmaamay in madaxda sidan samaysay ee waaxyaha cusub iyo madax-waaxeedyada soo kordhiyay in ay yihiin wasiirada ka rejo dhigay in ay ku soo noqdaan kana soo muuqdaan xukuumadda cusub ee uu soo dhisi doono Madaxweyne Muuse.

 

Waxaana ugu dambeeyay wasiiradda waaxyaha cusub soo kordhiyay wasiirka wasaaradda dhaqanka iyo dalxiiska oo  Khadar Xaaji Yuusuf oo  sadexdii bishan soo saaray magacaabis masuul uu u magacaabay xil ku cusub wasaaraddiisa isla markaana ah xil aan hore ugu jirin laamaha wasaaraddiisa.

 

waatan warqada magacaabista ah ee uu soo saaray wasiir Khadar

Comments are closed