|

Wasiirka Amniga Gudaha Somalia oo beeniyey warar ay baahiyeen qaar ka mid ah warbaahinta gudaha

Muqdisho 19.Sep 2016 (SDN/QJ):-Wasiirka Amniga Gudaha xukuumada Soomaaliya, C/risaaq Cumar Maxamed ayaa beeniyey warar saacadihii la soo dhaafay ay baahiyeen qaar ka mid ah warbaahinta gudaha oo ahaa inuu iscasilayo si uu noqdo musharax u taagan Madaxweynaha maamulka Hiiraan iyo Sh/dhexe.

 

wasiirka-amniga-gudaha-xukuumada-soomaaliya-c-risaaq-cumar-maxamedC/risaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in uusan ahayn musharax u taagan qabashada Xilka Madaxweyne ee maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, ayna wararkaasi yihiin kuwo la been abuuray oo aan waxba ka jirin.

 

“Waa been aan sal iyo raad toona lahayn inaan is casilayo, mana ahi Musharax u taagan inuu qabto xilka madaxtinimo ee maamulka loo dhisayo Hiiraan iyo Sh/Dhexe, mana danaynayo hadda, wax aan jirin oo xaqiiqda ka fog bay qoreen” ayuu yiri C/risaaq Cumar.

 

Warbaahinta gudaha ayuu ugu baaqay iney iska hubiyaan wararka ay baahinayaan, ayna bulshada u gudbiyaan warar xaqiiqada ku saleysan oo aan la mala awaalin.

 

Hadalka Wasiirka Amniga ayaa ku soo beegmay xili saacadihii la soo dhaafay baraha bulshada iyo warbaahinta qaar ay qorayeen warar sheegay in Wasiirka uu xilka wasiirnimo iska casilayo, uuna doonayo in uu isu sharaxo madaxweynaha maamulka Hiiraan iyo Sh/dhexe oo haatan dhismihiisa loo fadhiyo Jowhar.

Comments are closed