|

Wasiirka Arrimah Dibedda Somaliland oo kulan balaadhan  la  yeeshay  Mashaaikhda Jaamacadda  AL-Azhar , Cairo

Qaahira 31.Aug 2016 (SDN/QJ):-  Wefdigii u hogaaminaayay Wasiirka Arrimaha Dibeda JSL Dr. Sacad Ali Shire ayaa kulan  kula yeeshay Magaalada Qaahira Gudoomiye ku-xieenka Jamacadda  Al-azhar Sh. Dr. Abas Shomaan.

Xarunta Jamacadda Al-Azhar  ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay wasiirka iyo Saraakiishii ku weheliyay safarka shaqo.

Wasiir Sacad ugu horeyn wuxuu sheikh uga mahad celiyay soo dhweynta wanaagsan wuxuuna si qoto dheer uga hadlay xidhiidh taariikhiga ah ee ka dhaxeeyay Somaliland iyo Al-azhar , wuxuu wasiirku sheegay in Al-azhar ay gacanta ku hayn jirtay iskuulka burco ee Jamaal Cabdi nasir isla markaana ay ka codsanaynaa al-azhar in ay dib u soo celiso xidhiidhkii ay la lahayd  Somaliland ee xaga waxbarashada Diinta. Iyo in Al- azhar  deeqo waxbarasho Somaliland siiso.

Sh. Dr. Abas Shomaan oo ah ayaa isna dhankiisa soo dhaweeyay dalabka wasiirka wuxuu hoosta ka xareeqay in Al—azhar ay diyaar u tahay in iskuulka Burco ee Jamal Abdinasir ay ka taageeri doonto xaga manhajka Al-azhar iyo macalimiinta,maamulka dugsiga intaba.

Waxa kaloo Sh. Dr. Abas Shomaan uu balanqaaday in Al-azhar ay tababaro u fidin doonta imaamyada masaajida Somaliland soona  dirto culimo ka socda Al-azhar oo masaajidada Somaliland ka jeedin doona khudbado iyo muxaadaraadka xaga culimada dacwada . Waxa kaloo kulankaasi laysku af-gartay in Al-azhar ay soo dirto Khubro Culmo ah oo qiimeyn ku sameeya  Imaamyada masaajida iyo in

al-azhar ay ka taageerto Somaliland xaga talo bixinta masaaisha diiniga ah sidda (Islamic banking system).

Source: Ministry of Foreign Affairs and International Cooperation AZHAR 2 AZHAR 22 AZHAR SHAREEF

 

 

 

Comments are closed