Mogadishu, July 20, 2014– Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga H.E. Dr. Abdirahman Dualeh Beileh ayaa maanta ku qaabilay Xafiiskiisa Siihayaha cusub Safaaradda Qatar ee Soomaaliya Eng. Hassan Hamza .
Kulan gaar ah ayey wada yeesheen Wasiirka iyo Siihayaha Safaaradda Qatar ee Soomaaliya , iyadoo fadhigaasi looga hadlay xiriirka taariikhiga ah ee labada dal ka dhaxeeya ,Xoojinta,horumarinta iskaashiga dhinacyada badan leh , dib u furidda safaaradda cusub ee Dowladda Qatar ay ku yeelaneyso Caasimadda Muqdisho iyo qodobo kale.
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga H.E. Dr. Abdirahman Dualeh Beileh ayaa u rajeeyay Siihayaha Safaaradda Qatar ee Soomaaliya Eng. Hassan Hamza guul iyo xil gudasho ammaan leh .
Waxaa xusid mudan , in Soomaaliya xiriir saaxiibtinimo oo aad u qoto-dheer ay la leedahay Xukuumadda iyo Shacabka Qatar oo soo taxanaa muddo dheer.
Dowladda Qatar ayaa lagu tiriyaa inay ka mid tahay dowladaha taageera Soomaaliya , waxa ayna caawinaad iyo kaalmo bani’aadanimo xilliyo kala duwan ugu deeqday qoysas saameeyay abaaro oo ku kala nool deegaano ka kala tirsan gobolada waqooyi iyo koonfur ee dalka Soomaaliya , iyadoo gargaarkaasi bani’aadanimo ay fuliyeen hey’adaheeda samafal ee ka howlgala dalka.
SDN/QJ-Muqdisho
