|

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland oo Beesha Caalamka u Soo Jeediyey in Aqoonsiga ay Somaliland Xaqa u Leedahay aanay Kala Masuugin

Hargaysa 28. June 2017 (SDN/QJ):- Wasiirka Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Somaliland Dr  Sacad Cali Shire, ayaa fariin u diray Beesha Caalamka, waxaanu ugu baaqay inay qaranimada iyo madax-banaanida Somaliland qiraan oo ay ictiraafaan, waxaanu xusay in aan la isku khaldi karin Somaliland iyo Somaliya, oo ay kala yihiin laba dal, oo kala madax banaan, waxaanu tilmaamay inay Somaliland Ingiriiska xoriyadeeda ka qaadatay 26/6/1960, oo hadda laga joogo 57 sanno.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr Sacad Cali Shire, oo u waramaya Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale sheegay inay Somaliland muddii 26-sanno ee ay jirtay inay meel sare ka gaadhay Dimuqraadiyada, kana hirgaleen Doorashooyin xor iyo xalaal ah, waxaanu ugu horeyn yidhi isagoo ka  hadlaya 26 june, “Waxa hadda laga jooga 57 sanno wakhtigii ay Somaliland xoriyadeeda ka qaadatay Ingiriiska, oo ku beegnayd 26/6/1960, waana maalin Somaliland u suntan, inagoo xor ah oo madax banaan ayeynu Somaliya oo iyadu xoriyadeedu maalmo inaga dambaysay isku darsanay, oo inagoo laba dal ah ayeynu isku biirnay, balse kamaynu faa’iidin ee xoriyadaas aynu luminay 1960-kii, dib ayeynu ula soo noqonay, oo 18/5/1991, ayeynu dib ula soo noqonay, markaas maanta cid inagu qasbi karta Somaliya ma jirto, dano gaar ah oo keenaya inaynu Somaliya ku biirnaana ma jirto, mana nihin laba wadan oo la isku qasbi karo ama la isku khaldi karo, markaas Beesha Caalamka waxaan leeyahay markhaati ayaad ka tihiin in aan labada dal la isku qasbi karin, waad og tihiin in aanay Somaliland u soo socon Somaliya, ee qira aqoonsigayaga dawladnimo oo ha nagala masuugiina aqoonsiga”.

 

Wasiirka Arrimaha Dibadda mar uu ka hadlaayey waxyaabaha Somaliland ka hirgalay muddadii ay jirtay ayaa yidhi “Hadda waxa laga jooga wakhtigii  ay Somaliland dib ula soo laabatay xoriyadeeda 26-sanno, oo ahayd 18/5/1991, muddadaas Somaliland waxay horumar balaadhan ka gaadhay Dimuqraadiyada, sababtoo ah waxa Somaliland ku guulaystay inay ka soo gudubto marxalado aad u adag, waxay xalisay waxyaabo badan iyo dhibaatooyin aad u badan, waxay la jaanqaaday nidaamka casriga ah, waxay meesha ka saartay nidaamkii qabiilka, oo waxay hirgalisay nidaamka Xisbiyada badan, dalku Dastuur buu yeeshay oo boqolkiiba toddoba iyo sagaashan (97%) ayaa u codeeyey, waxa dalka ka hirgalay Laba Doorasho Gole Deegaan, Laba Doorasho Madaxtooyo, hal Doorasho oo Golaha Wakiilada ah, haddii Rabi idmaan bisha kow iyo tobanaad ee sannadkan waxa inoo dhici doonta Doorashada Madaxtooyada, oo xor iyo xalaal ah, markaas Doorashooyinkaas oo dhami waxay ahaayeen Doorashooyin xor iyo xalaal ah oo qof walba isaga ayaa iskii u dooranaayey cida uu doono, markaas waxa xaqiiqo ah inay Somaliland ka tilmaaman tahay mandaqada, waxa xaqiiqo ah inay Somaliland ka hirgashay Dimuqraadiyadii, waxa xaqiiqo ah in maanta Beesha Caalamka ay markhaati ka yihiin in Dimuqraadiyadaas ka hirgashay Somaliland aanay Somaliya ka hirgalin,  Somaliyana waxaan leeyahay waxaynu nahay laba dal oo jaar ah oo marna midoobay, haddana kala baxay ee aynu ahaano laba dal oo jaar ah”.

 

Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa mar uu ka hadlaayey Siyaasada  Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa yidhi ‘Iyadoo ay Beesha Caalamku qirsan yihiin Dimuqraadiyada iyo horumarka ka hirgalay Somaliland, baanu haddana qoraal faah-faahsan ugu gudbinay macluumadka iyo marxaladihii kala duwanaa ee ay Somaliland soo martay, waxa kale oo xusid mudan inaynu inta badan Wadamada Caalamka ku leenahay Wakiilo ama Safiiro inoo fadhiya, kuwaas oo qadiyadeena meel walba gaadhsiiyey, markaas  Somaliland ahaan shuruud walba oo dawladnimo ama dal looga baahnaa weynu buuxinay, Caalamkuna si fiican buu inoola macaamila, ee inay si rasmiya u aqoonsadaan dawladnimadeena ayeynu marti uga nahay”..

 

Dhinaca kale Wasiirka Arrimaha Dibadda mar aanu wax ka weydiinay bal inay Xukuumad ahaan ay ogaadeen Diyaaradihii Duqaynta ka geystay deegaano ka tirsan Saylac ayaa sheegay inay wadaan baadhitaankii.

Comments are closed