|

Aqalka Cad ee Looga Arimiyo Maraykanka oo Ku Hanjabay inay Weerar Gantaalo ah ku qaadi doonaan Ciidanka Qaranka Suuriya

Washington 29. June 2017 (SDN/QJ):-Maamulka guriga cad ee looga taliyo dalka maraykanka ayaa ku hanjabay xalay in weerar dhinaca gantaalaha ah ay ku qaadi doonaan ciidamada qaranka Suuriya, iyagoo ku eedeeyey in ay diyaarinayaan u adeegsiga hubka kimikada ah dagaalka sokeeye ee ka socda dalkaasi.

Afhayeen u hadlay guriga cad Mr: Sean Spicer, waxa uu intaasi ku daray in ay heleen warar dhinaca sirdoonka ah iyo xogo xaga dayax gacmeedka oo sheegaya in ciidamada Suuriya diyariyeen siday u adeegsan lahaayeen hubka kimikada ah, taas oo ah arin aan la aqbali Karin.

 

Hase ahaatee, Afhayeen u hadlay golaha shacbiga Suuriya ayaa ku dhawaaqay in dawlada Suuriya haba yaraatee aanay haysan wax hub kimiko ah, hase ahaatee maraykanku ka xun yahay horumarka ay gaadhayaan ciidamada qaranka Suuriya, isla markaana uu ku fashilmay burburinta qaranka Suuriya ee uu doonayo in uu dagaalka balaadhiyo.

Doraad ayaa Madaxweynaha Suuriya Wuxuu Booqasho kediso ah ku Tegay Saldhiga Ciidamada Ruushku ku leeyihiin dalkiisa.

Comments are closed