Hargaysa 21.Jan 2016 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu maanta Shir muhiima oo balaadhan ugu yeedhay dhammaan Madaxda Xukuumadda oo ka kooban Xubnaha Golaha wasiirada, Agaasimeyaasha Guud, Gudoomiyeyaasha Hay’addaha Madaxa Banaan, Maareeyeyaasha, Taliyeyaasha Ciidamada Qaranka ee Kala duduwan.
Shirkaas oo Dulucdiisu ahayd in Xukuumaddu kawada hadasho doorka kaga beegan kor u qaadida iyo isticmaalka aaminaada lacagta Somaliland iyo ka hortaga Qiima dhaca shillinka Somaliland.
