|

Wasiirka Qorshaynta Oo Difaacay Heshiiska Dekedda

Hargeysa,31,5,2016 (QJ/SDN) – Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Somaliland Cali Salaan Jirde (Cali Shoonbe), ayaa wuxuu ka hadlay heshiiskii Dekadda Berbera ee ay Xukuumadda Dawladda Imaraadka la soo gashay, waxaanu sheegay in heshiiskani aanu Dekadda oo qudha ku koobnayn ee uu siddeed qodob ka koobnaa, waxaanu jawaab kooban ka bixiyey xogaha ku saabsan heshiiska dekadda Berbera ee warbaahinta lagu baahiyey, waxaanu sheegay in dacaayado  waxba kama jiraan ah yihiin.

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Somaliland Cali Salaan Jirde (Cali Shoonbe), oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay sidan “Heshiiskani waa heshiis dhamaystiran, Dekada Berbera ayey dadku soo qaataane, ee heshiisku waa is afgarad labada dawladood u dhexeeya, oo Dekadu qodob uun ka tahay, waxaana ka mid ah qodobadaas wax soo saarka Beeraha oo koobsanaya Xoolaha, Kalluunka, oo ay noqoto in ay inaga caawiyaan Imaraadku si aynu ugu dhoofinayo iyaga, waxyaabaha ay inaga caawinayaan  waxa ku jira Waddooyinka, oo Waddadaas Berbera iyo Wajaale isku xidhaysa in la dhiso, waxa ku jira in keydka Shidaalka oo heer caalamiya, oo aan ahayn  keena,waayo keenu wuxuu u sameeysan yahay in Wadanka gudihiisa laga isticmaalo,waxa ku jira in dalxiiska, waxa ku jira shaqaleeynta, oo haddii suuqa shaqada ee Imaraadka la inoo furo, shaqaalaha Somaliland ay u dhoofi karaan, iyadoo Dawladda Somaliland ogolaasho laga qaadanayo inay Shaqaalaha Somaliland halkaas tagi karaan, kana soo shaqeeysan karaa, waxa ku jira Tamarta, waa sidaas qodobo oo qodobka Dekadu ka midka yahay, balse Dekadu waa ka deg dega loogu baahan yahay, sidaas darteed haddii Dekada la balaadhiyo Shaqalihii baa badanaya, Dekaduna Itoobiya iyo Somaliland oo qudha kuma koobnaanayso ee saylada Dekadu u shaqeeynaysaa waxa uu noqonaya Afrikada Barri oo dhan,marka horumar dhaqaale oo weyn oo sameeyn balaadhan ku yeelanaya arimo badan oo dhaqaale ayey Dekadu keenaysaa”.

Dhinaca kale Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta ayaa ka hadlay mashruuc lagu magacaabo SCORE oo Baanka Adduunku ka fulinayo Somaliland, waxaanu sheegay in mashruucan oo ah maalgalinta ganacsatada yar yar iyo kuwa dhexe in waxtar balaadhan bulshada u leeyahay, dadkuna ay ka faa’iidaysan doonaan.

Comments are closed