|

Dacwada Wargeyska Hubsad Oo Furantay Iyo Cambaaraynta Xadhiga Guddoomiyaha Foore

Hargeysa ,31,5,2016(QJ/SDN) – Waxa shalay maxkamadda gobalka Hargeysa ka bilaabantay dhagaysiga dacwadda guddoomiyaha iyo tifaftiraha wargeyska Hubsad Cabdirashiid Nuur Wacays iyo Siciid Khadar.

Labadan saxafi ayay dawladda Somaliland ku eedaysay faafin war been abuur ah iyo daabicid wargeys aanay sharci u haysan, eedahaas oo ay labada saxafi gebi ahaanba beeniyeen.

Garsooraha dacwada dhagaysanayay ayaa dacwadan u mudeeyay in la isugu soo noqdo 7 bisha June ee toddobaadka dambe.

Geesta kale, xarunta xuquuqal insaanka ayaa si adag u cambaaraysay xadhiga guddoomiyaha wargeyska Foore Cabdirashiid Cabdiwahaab Ibraahim oo Axadii la xidhay. Warsaxaafadeedka xarunta Xuquuqal insaanka ayaa u dhignaa sidan “Maalintii shalay ahayd, 29th May 2016, waxa lagu xidhay Xarunta Dembi Baadhista ee Hargeysa (CID-da) Cabdirashiid Cabdiwahaab Ibraahim oo ah gudoomiyaha wargeyska madaxa banaan ee Foore.

Xarunta Xuquuqal Insaanku waxaay ugu baaqaysaa masuuliyiinta Somaliland inay shuruud la’aan xoriyadiisa ugu soo celiyaan Cabdirashiid.

 Xadhiga Cabdirashiid wuxuu ka danbeeyey kadib markii wargeyska Foore uu qoray qodobo ku saabsan heshiiskii dhowaan dhex maray Dawladda Somaliland iyo shirkadda DP World. Heshiiskaas oo ku saabsanaan maamulka dekedda Berbera.  Warka wargeysku qoray wuxuu sheegayaa in 15% ka mid ah saamiga ay Somaliland ku leedahay heshiiska ay yeelan doonaan qoyska madaxwaynuhu. Xarunta Xuquuqal Insaanku ma caddayn karto sheegashadaas.

  Qodobka 32(3) ee dastuurka Somaliland wuxuu dhigayaa “Saxaafadda iyo warbaahinta kale waxay ka mid yihiin xorriyaadka asaasiga ah ee ra’yi- dhiibashada, waxayna leeyihiin madax-bannaanidooda; way reebban tahay tallaabo kasta oo Iagu cabudhinayo…”

Dhinaca kale, waxa maanta ka bilaaban tay Maxkamadda Gobolka Hargeysa dacwad ka dhan Cabdirashiid Nuur Wacays, gudoomiyaha wargeyska la xayiray ee Hubsad iyo Siciid Khadar, tafatiraha Hubsad. Waxa lagu eedeeyey labada suxufi faafin war been abuur ah iyo daabicid wargeys aan sharci haysan. Eedahaas oo ay beeniyeen suxufiyiintani.

 28kii May waxa la sii daayay sadex suxufi oo ugu xidhnaa magaalada Berbera inay sii daayeen hadalka xildhibaan ka tirsan Golaha Deegaanka Berbera. Xildhibaankaas oo shaki ka muujiyay heshiis dhex maray dawladda Somaliland iyo shirakdda DP World.

 Xarunta Xuquuqal Insaanku waxaay ugu baaqaysaa dawladda Somaliland inay xoriyadiisa u soo celiso Cabdirashiid islamarkaana laasho dacwadda ka dhanka ah suxufiyiinta Hubsad.”

Comments are closed