|

Wasiirka Warfaafinta Mudane Caddaani oo Amar Madaxtooyada Laga Soo Faray Shaqadii kaga Caydhiyey Weriye Muniir Axmed Cigaal DAAWO

Hargaysa 17.Aug 2016 (SDN/QJ):- Muniir Axmed Cigaal oo ka hawl galijiray Telefeeshinka Qaranka Somliland ayaa laga joojiyay shaqadii Wasaarada Warfaafinta. Muniir Axmed Cigaal oo sidoo kalena ah Guddoomiyha Warbahinta Somalilandtoday Media Group, ayaa saxaafadda uga waramay hanankii loo maray shaqo joojintiisa iyo arrimo kale, wuxuuna hadalkiisa ku bilaabay.

Muniir“Hilaaddii sannadkii 2011kii, ayaan ka mid noqday bahda Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigalinta, waa xilligii uu SLNTV soo gaadhay qaaradda Yurub. Waxaan ka mid noqday hormadii ugu horraysay ee dhidibada u taagta Telefishanka Qaranka, xaruntiisa Ingiriiska, aniga oo noqday xidhiidhiyihii gobollada Yurub. Muddo 14 bilood ah ayaan mushahar la’aan ku shaqaynayay aniga oo waliba ka kallahayay magaalada Birmingham, iyada oo xarunta Tv-guna ahayd magaalada London.

Waxaan si shakhsi ah u hirgaliyay istuudiyihii magaalada Birmingham oo ahaa Istuudiyow dhammaystiran, waxaana igaga baxday lacag 20,000 oo gini ah oo jeebkayga aan ka bixiyay oo aan ilaa hadda Xukuumadda shilin laga weyddiin.

Waxaan u soo wareegay dalka, aniga oo hawlshii aan SLNTV ka hayay halkii ka sii waday.

Ma jirin dambi aan dalka ka galay, mana jirin mid aan kaga hor imid qaanuunka shaqo, haddii laga tagi waayo, waxaan ka mid ahaa dadkii shaaciyay hammigooda ku aaddan musharraxnimada doorashada golaha Wakiillada ee la filaayo inay dalka ka dhacdo March 2017

Ma jirin muran ka taagan musharraxnimadayda, waxaanan ka mid ahaa dadka tirada yar ee deegaankii ay iska sharraxeen sida Majorty-ga ah ay isugu raaceen.

Waxa se jiray buuq ka dhashay dood ay koox wasiirro ah ay culays igu saarayeen inaan shaaciyo musharraxnimadayda, kana shaaciyo inaan Xisbiga KULMIYE iska soo sharraxo, anigana dooddaydu waxay ahayd, horta ha soo dhowaato doorashadu oo sansaankeedu ha muuqo, markaas ayaynnu dooddan isla eegi doonaaye.

Taasina waa ta keentay galgalashadii iyo goolaaftankii aad inta badan maqlayseen, taas ayaa keentay in kooxo aan siyaasadaba ku jirin oo Bakhaar layaal ah laga soo abaabulo Togdheer iyo Burco, waana arrimihii keenay xadhigaygii.”

Muniir Axmed Cigaal oo ka hadlaaya hanankii loo maray shaqo ka joojintiisa wuxuu yidhi. “14-bishan aynu ku jirno ayuu Maareeyaha Tv-ga Qaranka oo ah mas’uulka aan hoos tagi jiray igu war galiyay in Wasiirku amar ku siiyay shaqo joojintayda, markii aan su’aalayna sababta wuxuu iigu jawaab celiyay Wasiirku ayuu yidhi in amar ka sareeya Madaxtooyadu ku siisay. Ma jirin xeer iyo sharci loo raacay, mana jirin sabab kalifaysay anigoo ah shaqaale hoosaad Wasaradeed in Madaxtooyadii dalku soo faro galiso. Sidoo kale ma qabo in Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo ah shakhsi fahansan xanuunka ay leedahay xagashada si cadaalda ka baxsan qofka loola dhaqmo, uu ku shuqul leeyahay falkaas, sidoo kale dhaqan ahan cid kale u sibir saarimaayo lakiin waxay  dusha u saarantahay Wasiiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi oo aan leeyahay. “Godobtaada meele intaan gacantu ka boobin”,  Mar haddii Madaxtooyaddu soo amrayso shaqo hoosaad Wasaradeed waxa fiicnayd inay isku shaandhayntii soo raaciyan shaqo ka joojintayda.” Ugu danbayntii Muniir Axmed Cigaal oo tilmaan ka bixinaaya habdhaqanka Wasiirka Warfaafinta wuxuu yidhi.

“Wasiirka Warfaafinta Cismaan Saxardiid Cadani, oo in badan Saxaafadda kaga horfaanay inuu lacag Maraykan ku haystay, waxaan leeyay Oday dadkii hore ahaa oo ii awoow ah lana odhanjiray Bulaale Baarjeex, ayaa wakhtigii Ingiriiska yidhi “Xaggaasna annagaa tagnay oo waxaan markhaati lahayni hadhan”. Magaaladii Cadaani muddda deer deganaa tariikh dheerna uu ku laha ee Washington anigu waan tagay, mida uu hadda deganyahayna waan soo arkay, siduu wax u sheegay wax uma jiraan. Afar Wasiir oo xilka Wasaaradda uga horeeyay ana aan la soo shaqeeyay oo kala ahaa  Axmed Cabdi Xaabsade, Boobe Yuusuf Ducaale, Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) intaas  oo Wasiir, Cadaani wuxuu u noqonayaa ninkii ugu musuq maasuqa badnaa, waayo meelo aanay cid horeba taaban waligeed oo ah Mushaharka shaqaalaha ayuu Wasiir Cadaani wax ka dayay oo jeegag u samaystay, waxan markaa leeyahay Wasiirku waa ruux qalbi jilicsan oo qiiro badan, musuq maasuqa iyo qiiraduna meel mawada galaan, mid uunba ka run ah Wasiirka taas isagaa inoo sheegin Wasiirku”. Sidaa waxa hadalkiisi ku soo xidhay Muniir Axmed Cigaal oo ka hadlaayay hanankii shaqada looga joojiyay.

Comments are closed