|

‘’Waxaan Rajaynayaa in dabaysha siyaasadeed ee  isu guurka ah ee somaliland ka dhacaysa ay meel wanaagsan ka geli doonaan,Punt Landna..’’ Wasiir Xaglo Toosiye

Buuhoodle 17.Aug 2016 (SDN/QJ):- Wasirka Wasaaradda Caafimaadka JSL Dr Saleebaan Ciise Axmed Xaglotoosiye oo socdaal hawleed ku jooga Magaalada Buuhoodle ayaa ka waramay  xaalada  siyaasadeed iyo ta bulsho ee Gobolkaasi, waxana uu digniina u diray maamul goboleedka PL Somalia oo isku deyaya inay carqaladeeyaan deganaansha Gobolkaasi.

 

XAGLOTOOSIYEWasiirka caafimaadka DrSaleebaan Ciise Axmed xaglotoosiye waxa uu ugu horayn tacsi u diray shacabka Somaliland isagoo ka tacsiyadeeyey geeridii ku timid Ugaas Cabdilaahi Ciise oo Salaasadii ku geeriyooday Dalka turkiga kana mid ahaa madaxdhaqameedka gobolka Sool. Intaa ka bacdina waxa uu sharaxaad ka bixiyey ujeedada socdaalkiisa ee Gobolkaasi hadaladiisiina ka mid ahaa sidan: ‘ Salaasadii ayaanu nimid Gobolkan waxana aanu  u nimid hawl wacyigelineed iyo mid wadatashi dadka deegaanka ah, runtii dadku xiligan waa bislaadeen, 99% waa dad aaminsan Qaranimada Somaliland, waxana aanu rajaynaynaa in wadatashiyada aanu la yeelanayno ay ka soo baxaan arimo dhaxalgal ah, isla markaana ay dabaysha siyaasadeed ee  isu guurka ah ee somaliland ka dhacaysa ay meel wanaagsan ka geli doonaan oo qaybtooda ka qaadan doonaan

Dhanka kale wasiirka caafimaadku waxa uu uga digay maamul goboleedka PL ee Somaliya oo isku deyaya inay carqaladeeyaan deganaanshaha Gobolkaasi iyo qorshaha diiwaangelinta codbixiyaha Somaliland oo ah arin uu muwaadinku xaq u leeyahay, waxana Wasiirka oo arintaa ka hadlayaa uu yidhi sidan: ‘Waxaan doonayaa in aan halkan ka sheego oo digniin u diro maamulka Puntland oo ku tashadayinay carqaladeeyaan rabitaanka shacabka Buuhoodle , isla markaana doonaya inay ciidamo u soo diraan Buuhoodle oo Madaxweyne ku xigeen u soo diraan oo qasaan in halkan diiwaangelintu ka dhacdo, waxaan leeyahay waxii xasiloonidarro iyo khasaare ka yimaadda  waxaa mas’uul ka noqonaysa Puntland, caalamkana sidaas ayaan u sheegaynaa, waayo dadka reer Buuhoodle wanaag bay rabaan nabaday rabaan , iyagaa xor u ah inay diiwaangelinta galaan iyo in kale sida muwaadin kale oo kasta oo reer Somaliland uu xaqaa u leeyahay, Jamhuuriyadda Somaliland waa wadan dimuqraadi ah cidna laguma khasbo ka qaybgalka diiwaangelinta iyo doorashada toona, Puntland-na waxaan ugu celinayaa deegaankan iyo dalkan rabshad kama ogolin”

Dr Xaglotoosiye oo ka hadlay dareenka  dadweynaha deegaankaasi ee xiligan iyo sida ay diyaarka ugu yihiin ka qaybqaadashada xaaladaha siyaasadeed iyo bulsho ee ka socda JSL ayaa waxa uu yidhi: ‘Intii aanu halkan joognay waxaa dadweynaha nagaga soo noqday dareen weyn oo muujinaya rabitaan weyn iyo isbedel weyn waana mid aanu aad iyo aad ugu faraxsan nahay uguna hanweynahay, illaa hadana waxa aanu kulamo la yeelanay maamulka heer Gobol iyo  heer degmo, odayaasha iyo qaybaha kale ee bulshada, waxana aanu bilownay sidii wadatashi loo yeelan lahaa, runtiina reer Buuhoodle oo ah xubin aad u weyn oo beesha Dhulbahante ka tirsan ayaa aqlabiyadoodii waxay go’aansadeen inay dantooda u soo noqdaan oo danta deegaankooda eegaan oo go’aansadaan inay si buuxda uga mid noqdaan Jamhuuriyadda Somaliland, oo dantoodu ku jirto, nabadgelyadoodu ku jirto, horumarkoodu ku jiro, mustaqbalkooda siyaasadeedna ku jiro, Xukuumad ahaana wax walba waanu la dhinac taagan nahay waxana aan filayaa insha allaahu in isbedel weyn oo degdeg ahi dhaco”

Comments are closed