|

Wasiirka Xannaanada Xoolaha Somaliland oo Beesha Caalamka ugu Baaqay inay Gurmad u fidiyaan dadka ku Tabaaloobay Xaalada abaareed ee Somaliland

Hargaysa 20. November 2016 (SDN/QJ):- Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Cabdilaahi Daahir Cakuse ayaa ka hadlay saamaynta ay Abaartu ku yeelan karto qabsoomida Doorashada, xilli Masuuliyiin ka tirsan Xukuumaddu sheegeen inay Doorashadu dib u dhacayso madaama ay abaari jirto, balse isagu waxa uu tilmaamay in haddii ay abaartu sii socoto, inay muhiim tahay in la iskaga wada yimaado oo laga wada tashado

cukuseWasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Cabdilaahi Daahir Cakuse  ayaa sidoo kale Beesha Caalamka iyo Hay’addaha Caalamiga ah ugu baaqay in dadka gurmad deg deg ah la soo gaadhan, waxaanu Shacabka Somaliland ugu baaqay in wixii karaankooda ah ay ku caawiyaan dadka ay abaartu hayso, waxaanu yidhi “Meelo badan oo Dhulka ka mid ah Biyihii way kala fog-fogaadeen, oo Xooluhu uma aroori karaan meel ka fog, meel u dhaw mooye, waxaan guud ahaan Shacabka Somaliland ugu baaqayaa waxa uu kari karo ee ugu yar waa wax tare inuu gaadhsiiyo dadka, oo uu soo gaadhsiiyo Guddida Abaaraha, Beesha Caalamkana waxaan leeyahay waa maanta maalinta baahida ugu weyn la qabo, waxa loo baahan yahay gurmad deg deg ah, Caalamkuna wuu og yahay abaartu sida ay ku tahay Geeskan aynu joogne ee Afrika iyo dalkeena sida ay imika ku tahay, xogo badan baa laga diyaariyey oo Hay’addaha  la shaqeeya Wasaaraddaha iyo Hay’addaha Caalamiga ahba, waxaan ugu baaqaya in xoolaha iyo dadkaba deeq la gaadhsiiyo,  maxaa yeelay qof walba halkiisa ayey abaartu ku taabanaysa oo Gurigiisa ayey ugu soo galaysa ee aynu gurmad ka samayno”.

 

Wasiir Cukuse oo la weydiiyay in abaartu keeni karto dib u dhac ku yimaada doorashada wuxuu yidhi  “Arinta Doorashada iyo arinta Abaartu waa laba wax oo aad u kala durugsan, qorshaha Qarankani lahaa ee Doorashada iyo Abaartu samaynta ay ku yeelan karta waa aragti u baahan in Qaranku mar ka wada hadlo.”

Comments are closed