|

Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibada Norway oo Doorashada dalkiisa ka Socota Ku soo Daray Wiil Soomaaliyeed & Shardi Ku Xidhan DAAWO

Oslo 12. September 2017 (SDN/QJ):- Wasiirkii hore ee Arimaha Dibada iyo Gaashaandhiga dalka Norway Mr. Espen Barth Eide oo iminka ka tirsan Xisbiga Shaqaalaha ayaa tartanka doorashada dalka Norway waxa uu la soo shir tagay Wiil Soomaaliyeed oo aad u da´yar .

Doorashada dalka Norway oo lagu kala bixi doono ayaa xisbiga shaqaalaha ee Mr. Espen Barth Eide waxa uu xubnaha Baarlamaanka dalkaas ku soo dari doonaa Wiil Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Fowzi Warsame , waa hadii uu Soomaalida dalkaas ka helo codad macquul ah .

 

In ka badan 40-kun oo Soomaali ah ayaa ku nool gudaha dalka Norway , waxaana lagu wadaa intooda badan inay u codeeyaan xisbiga Shaqaalaha si looga hor tago Xisbiga Cunsuriyiinta oo aad u diidan inay dalka Norway ku soo bataan Soomaalida iyo ajaaniibta kale.

Comments are closed