|

Yaa ka dambeeyay in Aqalka sare ee Somalia Shalay loo gudbiyo Dooda Qaddiyada Qalbi Dhagax ?

Muqdisho 12. September 2017 (SDN/QJ):- Waxaa maalmahan aad u kacsan siyaasada Soomaaliya, waxaana hadal heynta ugu badan ay noqotay Kiiska C/Kariin Muuse Qalbi Dhagax oo loo dhiibay Dowlada Itoobiya, waxaana kiiskan fursadan ay ku neefsadaan ka helay Xildhibaano iyo Siyaasiyiin Mucaarad ah.

Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayna ku jiraan kuwa horey Siyaasada dalka ugu soo fashilmay ayaa diyaariyay Mooshin ka dhan ah Xukuumada Soomaaliya, waxa ayna Xildhibaanadan Mooshinkooda mar marsiiyo uga dhigteen Kiiska Qalbi Dhagax.

 

Kulan Baarlamaanka Aqalka hoose ee Soomaaliya sabtidii yeelan lahaayeen Muqdisho ayaa fashilmay, kadib markii kooramka kulanka ku furmi lahaa uu buuxsami waayay, waxaana taasi keentay in Siyaasiyiinta qaar ciyaaraan siyaasad kale oo arintan loogu gudbin karo Aqalka sare.

 

Sida aan Wararka ku heleyno Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo ciyaaraya siyaasad labo afle ah ayaa markii uu fashilmay kulanka Baarlamaanka bilaabay qorshe kale si kiiskan marka hore loogu gudbiyo Aqalka sare .

 

Jawaari ayaana ujeedkiisa lagu sheegay in uu damacsanaa in xaalada ay xasaasi noqoto marka Xildhibaanada Aqalka sare kasoo horjeestaan Go’aankii Xukuumada kadibna Aqalka Hoose kusoo wareegto si qal qal badan loo galiyo Xukuumada.

 

Xildhibaan katirsan Baarlanaanka Soomaaliya ayaa sheegay in Jawaari doonayay in Xildhibaanada Aqalka sare kiiskan ku qaldo ayna ka qaataan go’aan aysan Xukuumadu ku farxin kadibna loo soo gudbiyo Aqalka hoose si ay iyana ugu raacaan.

 

Xildhibaanada Aqalka sare oo shalay kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa, waxa ayna inta badan Xubnahan Aqalka sare joogay diideen in Arinta Qalbi dhagax ka doodaan iyagoona isku raacay in ajandaha laga saaro dibna loo dhigo.

 

Xildhibaanada Aqalka sare ayaa isku raacay in kiiskan dib loo dhigo ilaa Xildhibaanada Aqalka hoose ay go’aan kaga gaarayaan, waxaana Muuqata in Labada Aqal markan u muuqdaan kuwa isku tuur tuuraya kiiskan Xukuumada adag ee Xukuumada dhexe dhex fadhido.

Comments are closed