|

Wasiirkii Hore Ee Maaliyadda Somaliland Oo Xaalad Caafimaad Loo Dhigay Cusbitaalka Hargeysa

Maxamed Xaashi

Hargeysa,1,7,2016 (QJ/SDN) – Wasiirkii hore ee wasaaradda maalliyada Muj Maxamed Xaashi Cilmi ayaa dhawrkii caano maal ee u dembeeyey xaalad caafimaad u jiifay cusbitaalka guud ee Hargeysa, kadib markii uu in dhawaale bukaan socod ahaa. Muj. Maxamed Xaashi Ayaa shalay la dhigay Cusbitaalka guud ee Hargeysa kadib markii xaalad caafimaad la sooderistay, sida ay ehelladiisu warbaahinta u sheegeen. Guddoomiyaha golaha Wakiillada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillahi Cirro ayaa booqasho ugu tegey shalay Mujaahidka isaga oo alle uga beryay in uu caafimaad sareecan ah siiyo.

Md.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro) ayaa  booqashadiisan  waxaa uu   Maxamed Xaashi ka xaal waraystay xaaladdiisa caafimaad, waxaana uu Alle uga baryey in uu caafimaad deg dag ah uu siiyo isaga iyo umadda kale ee Islaamka ah ee xanuunsanaysa ba. Muj. Maxamed Xaashi oo ka sokow xilkii wasiirnimada ee uu ka soo qabtay xukuumadda Madaxweyne Siilanayo sidoo kale kamid ahaa aasaaseyaashii ururkii SNM isagoo dawladihii kala dembeeyey ee Somaliland xilal door ah kasoo qabtay.

Geesta kale Muj. Boobe Yuusuf Ducaalle oo isaguna ka mid ah haldoorka bulshada Somaliland oo laftiisu maalmihii la soo dhaafay xaalad caafimaad ugu jiray cusbitaalka Hargeysa ayaa sida ilo wareedyo door ahi u sheegeen Wargeyska HUBAAL ka baxay cusbitaalka kadib markii ay xaalladiisa caafimaad aad u soo raysay isla markaana ay dhakhaatiirta  la socotay dabiibkiisu fasaxeen.

Comments are closed