|

Xildhibaan Ka Tirsan Baarlamaanka Somaliland Oo Geeriyooday iyo Madaxweyne Siilaanyo Oo Tacsiyadeeyay

Hargeysa,1,7,2016 (QJ/SDN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo Isagoo ku hadlaya magaciisa, kan dawladda iyo ka shacbiga Somalilandba waxa uu tacsi u dirayaa, Golayaasha Qaranka, Wakiilada, Guurtida, waxgaradka, waayeelka, aqoon yahanka, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Xildhibaan Ibraahim Maxamed Xuseen (dhaadheere) oo ku geeriyooday Ingiriiska Maanta 01/07/2016.

Xildhibaanku wuxu ka tirsanaa 82-ka Xildhibaan ee golaha wakiilada Somaliland, isagoo ka mid ahaa xubnaha ugu da’a weyna mudanayaasha wakiilada, Madaxweynuhu waxa uu Marxuumka ku sifeeyey Oday waayo arag ah oo door muhiima ku lahaa dib u dhiska iyo nabad kuwada noolaanshaha beelaha Somaliland ku dhaqan, isagoo door muhiima ku lahaa dhismaha qaranka, oo uu ilaa wakhtigan ku hawlanaa horumarkiisa dhismihiisaba.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumiinka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo Golayaasha Wakiilada, Guurtida, waxgaradka, waayeelka, aqoon yahanka, Qoysaskii, Qaraabadii, Eheladii, Asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Cabdiraxmaan Sh. Cilmi Faahiye (Shamax)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

Comments are closed