|

Wasiiro Ceeb U Soo Jiiday Xukuumadda Siilaanyo, Goob Cidlo Ahna Kaga Soo Cararay Dhaggax Dhigga Garoon Labaad Oo Kubadda Cagta Ah Iyo Xildhibaan Booskoodii Buuxiyay

Hargeysa, 6 May, 2016-(SDN/QJ):– Koox Wasiiro ah oo ka tirsan Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ayaa shalay ku kacay Fal culus oo ceeb iyo Fadeexad ku ah Xukuumadda ay ka tirsan yihiin kadib markii ay ka soo yaaceen Xaflad lagu macsuumay oo lagu dhagax dhigayay Dhismaha Garoon labaad oo Kubada Cagta ah oo Woqooyiga Magaalada Hargeysa laga yaleelayo,arintaasi ayaa sidoo kale Yaab iyo Amakaag ku noqotay Dhalinyartii Xafladaasi soo agaasimtay ee Wasiiradaasi ku maamuustay inay xadhiga uga jaraan.

wasiirro-yaacayWasiirka Wasaaradda Ciyaaraha Somaliland Cabdilaahi Faarax Maydhane,Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Cismaan Cabdilaahi Saxardiid,Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Somaliland Cabdilaahi Ibraahim Habane ayaa ka mid ahaa wasiiro shalay si lama filaan ah uga soo carraray Xafladaasi Garoonkaasi lagu dhaggax dhigayay.

 

Wasiiraddan ayaa Gaadiidkooda boobay wakhti lagu gudo jirayay Dhagax Dhigga Garoonkaasi,waxaanay Dhalinyartii iyo Marti sharaftii kale ee Xaflaasi joogtay ku war heleen Siigadda Kolonyadda Gaadiidka Wasiiradda oo u jihaystay Dhinacooda Koonfureed,balse waxa iska sii socotay Xafladaasi, waxaana Kaalintii Wasiiradaasi buuxiyay oo dhagax dhigay Xildhibaan Xasan Cawaal Caynaan Oo Ka mid ah Golaha Wakiiladda Somaliland,ahna Gudoomiyaha Gudida Arimaha Bulshada ee Golahaasi.

Dhaggax Dhigga Garoonkani waxay si gaar ah u khusaysay oo ay shaqadiisa tahay Wasiirka Ciyaaraha Somaliland Cabdilahi Faarax Maydhane oo ay dhalinyartii halkaasi iskugu timid ee labiska Ciyaartoyga sidatay ka doonayeen inuu door weyn ka qaato Xaflaasi islamarkaana uu ka dhawaajiyo in Arintani tahay bilawga Dar dar ay Xukuumaddu wado oo ay kula dagaalamayso Tahriibta,balse waxa uu badelkeedii ka dhigay inuu Ka soo carraro islamarkaana uu niyad jab kuu abuuro dhalinyartaasi. Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan ayaa markii uu dhalinyartaasi u dhagax dhigay Garoonkaasi, waxa uu Canaan iyo Eedayn kadaba tuuray Wasiiradaasi ka baxsaday shaqadii ay umada u hayeen,waxa uu sheegay inaanay u qalmin inay xilalka Wasiirnimo sii hayaan islamarkaana waxa uu Madaxweyne Siilaanyo ka codsaday inuu si deg deg ah shaqo uga qabto,isagoo intaa ku daray inay ceeb u soo jiideen Xukuumaddii ay ka tirsanayeen islamarkaana ay nacayb iyo mucaaridad qaadsiiyeen Dhalinyartaasi danaynayay inay arkaan Doorka Xukuumaddu ku yeelato dhagax dhigaasi loogu yaqleelayo Garoon labaad oo Kubadda Cagta ah oo ay Hargeysi yeelato oo Dhinaca woqooyi ee Magaaladda Hargeysa,Waxana uu yidhi “,“Wasiiradii halkan ka yaacay waxan leeyahay uma qalantaan inaad wasiirro ahaataan, Madaxweynahana waxan leeyahay dhallinyaradii la dhiirrigelinayey ee garoonka loo dhisayey ayey niyadda kaga ciyaareen wasiiradaasi.”.

Lama garanayo Sababta dhabta ah ee Wasiiraddani uga soo yaaceen Xafladda lagu macsuumay oo ay iska xaadiriyeen balse sida wararka Xafladaasi laga helay ay sheegayaan waxa carrarka Wasiiradda loo aanaynayaa cabsi iyo Maagis laga dareemay Wasiiradda Ka hor intaanay Xafladu bilaamay taasi oo loo sibir saarayo Qaadhaan ururinta Garoonkaasi oo la wado oo Wasiiiraddii halkaasi tagay ay la bakhayleen Jeebkooda iyo balan qaad rasmi ah oo aanay Xukuumadda ka sii guntan.

Comments are closed