|

Wasiirrada Ugu Dhow Madaxweyne Siilaanyo Oo Ku Hirdamaya Muddo Kordhinta Madaxtooydu Wakhtiga Ay Noqon Doonto Iyo Laba Ka Mid Ah Oo Shalay Gacanta Isula Tagay Saleebaan Hortiisa

Hargaysa 28. February 2017 (SDN/QJ):- Masuuliyiinta Ugu Qoorta weyn Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ayaa waxa ay si weyn ugu hirdamayaan Wakhtiga loo kordhinayo Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyadoo durba arintaasi laga dareemayo Golaha Guurtida oo maalmahan u dambeeyay ku guda jira qorshaha orodoska Wakhtiga loo kordhinayo Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku xigeenka,waxaana la soo sheegayaa inay masuuliyiintan oo laba mabda’ kala wataa ay iyaguna dhinacooda juqa juqayn ku wadaan Xildhibaanada Golaha Guurtida ka hor intaanu dhicin Kal fadhiga gacanta loo taagayaa.

Warar Xog ogaal ah oo Wargeyska Foore soo gaadhay ayaa shaaca ka qaaday in Afarta masuul ee ugu awooda badan Madaxweyne Siilaanyo agtiisa oo kala ah Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi Cabdi,Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud Cali Xasan Maxamed,Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Xuseen Cabdi Ducaale iyo Safiirka Somaliland ee Dalka Imaaraatka Carabtu maalmahan u dambeeyay Xildhibaanada Golaha Guurtida ka dhex Wadaan Qorsheyaal iska soo horjeeda oo uu garab waliba dhinaciisa u wato qorshe ama mudo uu doonayo in loo kordhiyo Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo doodeedu ka socota Golaha Guurtida oo Todobaadkan loo gudbiyay,Waxaanay wararka uu Foore helayaa ay sheegayaan in Masuuliyiintani isku maan dhaafsan yihiin Wakhtiga loo kordhinayo,Waxaanay arintaasi salka ku haysaa arimo siyaasadeed iyo Qorsheyaal dhaqaale urursi oo garab waliba dhinaciisa u wato.

Qaar ka mid ah Masuuliyiintan ayaa dalka dibadiisa ku maqan, halka laba ka mid ahi ay Hawshii sii wadaan oo ay Dalka ku sugan yihiin,waxaana Warar lagu baahiyay lagu sheegay inay Labadan Masuul ee dalka ku sugan oo kala ah Wasiirka Wasaaradda Macdanta Xuseen Cabdi Ducaale Iyo Wasiirka Hawlaha Guud Cali Xasan Maxamed “Mareexaan” ay shalay ula tageen Gudoomiyaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan laba qorshe oo iska soo horjeeda,Sida Warkan Shabakadu baahisay lagu sheegay mid ka mid ah wasiiradaasi ayaa waxaa uu gudoomiye Saleeban Ka codsadey in xukuumada loo kordhiyo muddo 2 (laba) sanadood ah,halka Wasiirka kalena uu isna gudoomiyaha ka codsadey in xukuumada loo kordhiyo oo lagu daro mudadii lagu heshiiiyey muddo 6 bilood oo kale ah,Waxaana warkaasi intaasi lagu daray in Labadaasi Wasiir isla Goobtii Golaha Dhexdeeda isku faro saareen,laguna kala guntaday,kadib markii ay isku afdhaafeen Mudada uu mid waliba doonayay inuu Gudoomiye Saleebaan u yeedhiyo oo aad ukala duwanaa.

Warku waxa uu intaa ku daray inaan si cad loo kala ogayn labdaasi dalab in uu gudoomiye Saleeban ku gacan seydhay iyo waxaa uu kaga fal celiyey, waxaanay bulshada Somaliland ay u dhegtaageysaa go,aanka ay golaha guurtidu maalmaha soo socda ka gaadhan muddo kordhin mar labaad loo sameynaayo xukuumada madaxweyne Siilanyo oo markii labaad ee korodhsiimo loo sameeyo ah.

Dhinaca kale waxa isa soo taraya wararka sheegaya in Wasiirrada Qaar doonayaan in ay Golaha Guurtidu muddo kordhin aan ka yarayn laba sanadood ay qalinka ugu duugaan halka kuwo kalena taasi ka soo horjeedaan oo ay hogaanka xisbiga KULMIYE kala aragti yihiin in Golaha Guurtida lagu cadaadiyo sidii ay muddada doorashada ugu muddayn lahaayeen wakhtigii ay isla qaateen axsaabta qaranka iyo Komishanka doorashooyinku iyada oo kala aragti duwanaanshahaasi muddooyinkii ugu dambeeyey soo if baxayso.

Comments are closed