|

Somaliland & UAE Maxay isaga Difaacayaan haddii Soomaaliya dacweyso ama ka hor timaado heshiiska Saldhiga?

Hargaysa 28. February 2017 (SDN/QJ):- Dawladda Imaaraadku waa iska difaaci kartaa Farmaajo haddiiba uu ka dacweeyo Shirweynaha Carabta, ka gacanka iyo Security Council kaba. Waagii heshiis kii London ee Somaliland & dawladdii ku meel gaadhka ahayd ee Soomaaliya galeen waxaa goob joog ahaa in ka badan 50 hogaamiye. Kuwii Dubai & Ankara ka dhacay iyanna beesha caalamku waa so dhawaysay.

Kulamadaasi waxaa lagu heshiiyay in wada hadaladu socdaan isla markaana Somaliland gali karto heshiisyo horumarineed, kuwo amniga lagu horumarinayo & kuwo lagu horumarinayo imkaaniyaadka horumarka horseeda.

Heshiiskii Ankara, ee 13 kii April ay wada galeen Somaliland & Dawladda Fedeeraalka Somalia ayaa horseed ka ahaa in Somaliland gaar ka noqoto heshiiskii New Deal ee Soomaaliya gar-gaarka loogu fidinayay iyadoo la tixgalinayo arrimihii lagu heshiiyay Ankara & mawqifka Somaliland ee ku wajahnaa shirkii Brussels – Waatii looguna daray Somaliland “Somaliland Special Arrangement”, kaasi oo ku salaysan rabitaanka Somaliland oo ka yimid hiigsiga Somaliland ee Qorshaheeda Horumarinta ee 2030 oo ay ku cadyihiin dhamaan himilada Somaliland ee dhanka horumarka iyo Amniguba. Shirkaasi Ankara, labada dhinac waxay ku heshiiyeen in wixii heshiiyo horumarineed iyo taageero ah loo wado sidii laba nidaam oo kala isticmaalaya laba qaab oo loola macaamilo (Using separate government systems and mechanisms.).

Heshiis-yadaasi waa kuwo dawladda Imaaraadku beesha caalamka la hor tagi karto si ay u cadayso sharcinimada saldhiga ay yagleelayso, iyadoo dhamaan hay’adaha ay ka tirsan tahay ee duwalka carabta u muujinaysa arrimaha u fasaxaya in heshiiskaasi ay galaan maadaama heshiisyadaasi lagu galayay beesha caalamka hortooda gaar ahaan kii London.

Comments are closed