|

Wasiirul Dawlaha Amniga ee Somaliland oo Safar Ku Tegay Degmadda Saylac & Xildhibaano Ku adkaystay Doorashadii Hogaanka Cusub ee Golaha Deegaanka Saylac

Saylac 24. April 2017 (SDN/QJ):- Wasiirul Dawlaha amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Mudane Maxamed Muuse Diiriye ayaa Socdaal Shaqo waxa uu ku Tegay Xarunta Gobolka Salal ee Magaaladda Saylac.

Wasiirul dawlaha arrimaha Gudaha ayaa iftiimiyey in Ujeedada Socdaalkiisu uu la Xidhiidho Xalinta Khilaaf soo Kala dhex galay Xubnaha Golaha Deegaanka ee Magaaladda Saylac.

Mudane Maxamed Muuse Diiriye Waxa uu Sheegay inuu Maanta Kulan la qaatay Qaar ka Mid ah Mudanayaasha Golaha Deegaanka ee Degmadda Saylac oo Mooshin ka Keenay Maayarka Iyo Maayar Ku Xigeenka Degmadda Saylac isagoo intaas ku daray in Marka ay Kulamadu u soo dhamaadaan uu Warbaahinta la Wadaagi doono qaabka ay u Xaliyeen Khilaafkaas.

Dhinaca Kale 11 Xildhibaan oo ka mid ah Golaha Deegaanka ee Degmadda Saylac ayaa ku adkaystay inay sharci tahay Xil ka qaadistii ay Ku sameeyeen Maayarkii iyo Ku Xigeenkii Hore ee Golaha deegaanka Saylac iyagoo difaacday laba Xubnood oo ay u Cumaamadeen Hogaaminta Golaha Deegaanka ee Degmadda Saylac.

Comments are closed