|

Komiishanka Doorashooyinka & Sadexda Xisbi Qaran oo Kala Saxeexday Xeerka Anshaxa Qaadashadda Kaadhka Codbixiyaha DAAWO

Hargaysa 24. April 2017 (SDN/QJ):- Komiishanka Doorashooyinka Qaranka, Iyo Madaxda Sadexda Xisbi qaran ayaa Kulan wada Jir ah oo ay ku yeesheen Huteel Maansoor ee Magaaladda Hargaysa waxay ku Kala saxeexdeen Xeerka Anshaxa Iyo Hab raaca qaadashada Kaadhka Codbixiyaha.

Gudoomiyaha Akaademiga Nabada iyo Horumarka Somaliland Maxamed Faarax Xirsi oo ugu horayn halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inay daruuri tahay sidii awooda la isugu gayn lahaa inay qabsoomaan doorashooyinka Somaliland ku soo Foolka Leh, Isla Markaana looga baahan yahay Xukuumadda, Xisbiyadda Qaranka,Komiishanka Doorashooyinka iyo qaybaha bulshada Somaliland inay Muujiyaan sida ay inooga go’an tahay in doorashooyinku ku dhacaan xiliga ay ku mudaysan yihiin.

Cabdiqaadir Iimaan Warsame Gudoomiyaha Komiishanka Doorashooyinka Qaranka oo  Kulankaasi ka hadlay ayaa Sheegay in Xeerka anshaxa qaadashada Kaadhka Codbixiyuhu uu ku ilaalinayo Xisbiyada qaranka sidii ay Iyaga iyo Taageerayaashooduba ugu dhaqmi lahaayeen nidaamka la rabo in lagu qaato Kaadhka Codbixiyaha.

Sidoo Kale Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe, Gudoomiye Ku Xigeenka 1aad ee Xisbiga Kulmiye Mudane Maxamed Kaahin Axmed Iyo Xoghayaha Guud ee Xisbiga Waddani Mudane Maxamed C.laahi Uur Cade ayaa balan qaaday inay Ku dhaqmayaan Xeerka anshaxa iyo Hab raaca qaadashada Kaadhka Codbixiyaha oo Maalmaha fooda inagu soo haya ka bilaabmi doona qaar ka mid ah Gobolada dalka.

Comments are closed