|

Waxa Magaalada Muqdisho Qarax Lagula Eegtay ergo ka Soo Codaysay Qaar Ka Mida Kuraasta Gobalada Waqooyi Oo Muqdisho lagu Dooranaayey

Muqdisho Khamiis  10 Februari ‘2022 (QJ) Waxa maanta magaalada muqdisho qarax uu qarax kula beegsaday qof naftii hure ahi gaadhi ay saarnaayeen qaar ka mida ergadii dooranaysay kuraasti saaka lagu dooranayey magaalada muqdisho oo ahaa kuraas laga leeyahay gobalada waqooyi (Somaliland)

Kuwaas oo saaka shan ka mida lagu dooranayey xeradda ciidanka booliska Soomaaliyeed ee General Kaahiye ee xeebta iskay boolisya.

Gaadhiga qarax lala beegsaday ayaa maraayey wadada ceel gaabta xili ergadu ka soo baxday doorashada isla markaana lagu waday Hotell SYL oo subaxii laga Soo qaaday.

Qaraxii naftii haliguhu isku deyey inuu ergada beegsado ayaanay ka dhalan wax dhimasho ah marka laga reebo qaar ka mida xubnihii ergada oo dhaawacyo fududi soo gaadheen.

Waxa baryihii ugu danbeeyey kooxda allehabaab ee ka dagaalanta badhtamaha koonfurta Soomaliya beegsanaysay ergada soo doorata xildhibanada golaha shacabka oo labadii labdii bilood ee u danbeeyey ka socotay guud ahaan dalka.

Wiigan horaantiisi ayey ahayd marki magaalada muqdisho lagu dilay xuseen caag oo ka mid ahaa eragadii dooratay kuraasti ugu horaysay ee aqalka shacabka kaas oo ay dilkiisa sheegatay Kooxda All shabaab

Comments are closed