|

“Waxaan Ballan ku Qaadayaa inaan la Maqal Muuse Biixi oo Somaliland Madaxweyne ka ah..” Jamaal Cali Xuseen

Hargaysa , 29 September, 2016-(SDN/QJ) :– Musharraxa u taagan Jagada Madaxweynaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Jamaal Cali Xuseen, ayaa si adag ugu hanjabay Guddoomiyeyaasha Xisbiyada KULMIYE iyo UCID Muuse Biixi iyo Faysal Cali Waraabe oo uu sheegay in haddii ay ku guulaystaan inay Jamaal ahaan ka adkaadaan uu iyagana isagu burburin doono.

jamaal-cali-xuseen1111Jamaal Cali Xuseen Waraysi uu la yeeshay Weriye Cabdirisaaq-Tera oo ka tirsan Kalsan TV, qayb hor-dhac ah oo xalay la siidaayey, ayuu sidaas ku sheegay Jamaal, waxaanu mar la weydiiyey Musharraxa uu filayo in lagu beddelo maaddaama oo uu Faysal Cali Waraabe sheegay in lagu tartamayo jagada Musharraxixiinta Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka UCID, waxa uu sheegay inay waalli tahay in cid kale jagadaas ku fadhiisataa.

Waxa uu Jamaal kaga jawaabay su’aashaas oo uu yidhi; “Faysal kolba wuu is-beddelaa, shalay waa kii lahaa Jamaal maannaan diiddanayn. Xisbiga Anaa ka musharrax ah, Musharraxa la soo baxayna waa aniga, Codkaygii, kartidaydii iyo dedaalkaygii buu ku soo baxay. Inta Nin kale fuulo oo uu aayar la tago oo uu yidhaahdo; ‘cod igu siiya’ waa waallidii ugu waalnayd.”

Musharrax Jamaal oo la weydiiyey eedaha la xidhiidha in Xisbiga talada haya ee KULMIYE ka dambeeyo khilaafka UCID iyo faa’iidada ugu jirta, waxa uu ku jawaabay; “Way badheedheen, laakiin waxay ka helayaan garan maayo. Anigu mid baan ogsoonahay, inaanay iga macaashayn aniga, in ay ku burburi doonaan iyagu taa ay aniga igu wadaan, haddii aniga ay igaba adkaadaan Ninka burburin doonaa iyagana waa aniga. Anigu waan ka soo kaban karaa oo Nin dhalinyaro ah baan ahay, laakiin Muuse Biixina kama soo kaban karo, Faysal Cali Waraabe-na kama soo kaban karo, doorashadaas ayaa iyaga uga hadhay Siyaasadda sidaan u arko. Labadooduba 75-jirro weeyaan, Sumcaddoodu Line-kay saaran tahay.”

Mar Jamaal la weydiiyey in tan iyo markii uu siyaasadda bilaabay dhawr sano uu muuqdo in Culays siyaasadeed saaran yahay Jamaal ahaan iyo cidda uu u arko inay culayskaa siyaasadeed ku hayso, waxa uu ku jawaabay; “Dee waa Muuse Biixi, taasi in dadka loo qarqariyo maaha. Anigu sidaan rumaysnay Muuse Biixi waa ninka ka dambeeyey Xisbigii UDUB inuu burburo.”

Sidoo kale, Jamaal Cali Xuseen oo la weydiiyey isaga oo godobtaa iyo culayskaa siyaasadeed ee saaran Jamaal ahaan uu u tirinayo Guddoomiye Muuse Biixi ahna Musharraxa Madaxweynaha ee Xisbiga KULMIYE, haddii uu u yimaaddo oo uu ku yidhaahdo Jamaaloow ii tanaasul, waxa uu ka yeeli lahaa, waxaanu Qosol badan ka dib ku jawaabay; “KKKKKKKKKK. Haa, waan uga tanaasuli lahaa hadduu ii yimaaddo. Laakiin, Muuse waa fulay oo iimuu iman, kumana dhaco inuu ii yimaaddo. Waxaanu aamminsan yahay in tabtii Maxamed Siyaad Barre uu Kursiga ku fuulayo, Shirqool, hebel khaaraji iyo hebel ka takhallus ku heli doono Kursiga. Laakiin, waa habeenkii xalay ahaa ee tahay inuu Somaliland Madaxweyne ka noqdo. Tartan Muuse iyo Faysal ordaanna kan soo socdaa ugu dambayn doona. Laakiin, waxaan ballan ku qaadayaa inaan la maqal Muuse Biixi oo Madaxweyne la leeyahay.”

Intaas ayaa lagu soo koobay qaybaha Siyaasadda ee Waraysigan ee TV-gu baahiyey, waxaanu Waraysiga oo dhammaystirani bixi doonaa Sagaalka Caawa oo Jimce soo galayso sida TV-gu sheegay.

Comments are closed