|

‘’Waxaan Dhawaan Bilaabnay Wada Hadal u dhexeeyay Nimanka Soomaali diidka ah ee Somaliland iyo Maamulka Khaatumo Waxaa Nasiib daro ah Diiwaangelinta la Bilaabay’’ Ku Xigeenka Hogaamiyaha Khaatumo DAAWO

Buuhoodle 25.Aug 2016 (SDN/QJ):- Kooxda uu hoggaamiyo Cali Khaliif Galaydh ee Maamulka Khaatumo la baxday, ayaa si adag uga Hadlay Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha Somaliland ee Ka Socota Gobolka Sool iyo Deegaano ka mid ah Gobolka Buuhoodle.
Cabdalle Cali Haybe oo Khaatumo ugu magacaaban Madaxweyne ku-xigeen, ayaa Telefishinka Somnews u sheegay in qodobbada lagu heshiiyay ee hor-dhaca ah ay ka mid ahayeen in aan diiwaangelin laga samayn karin deegaannada Sool, Sanaag-Bari iyo Caynabo, balse ay qodobbadaasi jabeen, ka dib markii ay Xukuumadda Somaliland hirgelin wayday, sida uu ku dooday Cabdalle,Waxaa kale oo uu intaas ku daray in Rabshado khasaare keenay ay ka dhaceen Magaalada Laascaanood.

Comments are closed