|

“Way Jiraan Diyaarado Duqeeyay Deegaano ka Mida Somaliland” Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland

Hargaysa 20. November 2016 (SDN/QJ):- Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon, ayaa cadeeyay in qaar ka mida dhulka Somaliland ay duqeeyeen Diyaarado aan la garanayn dalka laga leeyahay.

FaratoonWasiirka Faratoon oo Warbaahinta kula hadlay  aqalka Golaha wakiilada Somaliland, waxaa uu sheegay in deegaanka Oodwayne ay diyaarado duqeeyeen meel kayn ah oo aanay cidna deganayn islamarkaana duqeyntaasi aan waxba lagu noqon.

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland,  waxaa kale oo ka hadlay diyaarado soo galay Xuduudka Somaliland Hawada Gobolka Salal.

Waxaa uu sheegay in diyaaradaha waddamada shisheeye ee Geeska Afrika Joogaa ay hawada soo gali karaan balse ilaa imika wasaarada arrimaha gudaha Somaliland baadhis ku wado diyaaradahaasi.

Todobaadkii u dambeeyay ayaa waxaa deegaanada kala duwan oo Somaliland ah laga soo sheegay in diyaarado dulmeeraan habeenkii, iyadoo qaarkoodna ay cabasho ku dhaliyeen dadkii deegaanadaas ku noolaa.

Comments are closed