|

Wefti Ka Socda Pun land oo Booqasho Ku Jooga Buuhoodle Isla Markaana Sheegay Inay Bulshada Gobolkaasi ka Difaaci doonaan Somaliland

Buuhoodle 25.Aug 2016 (SDN/QJ):- Wafdi balaadhan oo ka socda Puntland ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay maanta magaalada Buuhoodle ee gobolka Cayn.

 

Wafdiga waxaa hoggaaminaya Wasiir kuxigeenka amniga Putland Cabdicasiis Maxamed, waxaana kamid ah wasiir kuxigeenka qorshaynta iyo taliye kuxigeenka ciidanka daraawiishta Puntland.

 

Ujeedka ay halkaasi u tageen aya waxaa saxaafadda uga warbixiyay C/casiis Maxamed Aadan oo ah wasiir kuxigeenka amniga, wuxuuna sheegay ujeedkoodu inuu ahaa inay soo arkaan Buuhoodle, isla markaana dadkooda ay horumarka iyo difaaca kala qayb qaataan.

Wasiirku wuxuu sheegay in qof walba ay u caddahay safarkooda, xilli ay Soomaaliland gardaro ka waddo deegaanka oo ay isku dayayso inay sanaadiiq keento.

Mar uu ka hadlayay arimaha difaaca ayuu xusay inay garab taagan yihiin dadka Buuhoodle iyo waliba cayn kana difaaci doonaan gardarada Somaliland.

Dhanka kale wafdigan ayaa la filayaa inay joogi doonaan Buuhoodle xog waraysina ka bilaabi doonaan.

Dhinaca Kale Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha Doorashooyinka Somaliland ayaa Maalintii Sadexaad ka Socota Gobolka Sool, iyo Deegaano ku Teedsan Gobolka Buuhoodle.

Comments are closed