Dubai 04.Sep 2016 (SDN/QJ):- Weftigii ka koobnaa Xubnaha golaha Wasiirada una Xilsaarnaa heshiiska Somaliland iyo Shirkada caalamiga ah ee DP World oo maalmahanba ku sugnaa imaaraadka Carabta gaar ahaan magaalada Dubai, ayaa ka war bixiyey hawlihii shaqo ee ay u tageen halkaas iyo halka ay wax u marayaan wakhtigan, iyadoo uu u hadlay weftiga wasiirka wasaaradda Qorshaynta Qaranka Iyo Horumarinta Somaliland Mudane, Cali Xuseen Ismaaciil (Cali Shoombe)
