|

Wefti Miisaan adag leh oo Maraykanku u soo Dirayo Somaliland & Dalabkooda ku Wajahan in Madaxweyne Siilaanyo ka Noqdo Go’aankii Kala Qaadista Doorashooyinka

Hargaysa 19.Sep 2016 (SDN/QJ):-Dawlada maraykanka ayaa madaxwayne Siilaanyo usoo dirtay wafti culus oo diplomaasiyiin ah oo culays ku saara inuu ka noqdo go’aanka uu ku kala qaadayo labada doorasho isla markaana uu dib ugu dhigayo doorashada golaha wakiilada somaliland.

USA and Somaliland - Miniature Flags.Waftigan ayaa ah waftigii ugu cuslaa ee dawlada maraykanka ka socda ee mudooyinkii danbe socdaal ku yimaada caasimada somaliland ee hargeysa.

Waftigan oo maanta dalka imanaya ayaa waxa ay kulan la yeelan doonaan madaxwayne Siilaanyo iyo wasiirka arimaha dibada somaliland Dr Sacad Cali Shire,waxaanay u gudbin doonaan mawqifka dawlada maraykanka ee go’aanka madaxwaynaha somaliland ku kala qaaday labada doorasho,waxaanay madaxwayne Siilaanyo ka dalban doonaan inuu ka noqdo go’aankaas si aanu dhaawac ugu imaa kalsoonida iyo wada shaqaynta ka dhaxaysa beesha caalamka iyo jamhuuriyada somaliland.

Masuuliyiintan maraykanka ahi waxay madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” u muujin doonaan in talaabadani hadii aanu ka noqon ay dhaawaci doonto kaalintii ay qaadhaan bixiyayaashu kaga jireen hirgalinta nidaamka dimuqraadiyadeed iyo doorasho ee somaliland,waxaanuu mawqifkoodu la mid yahay bayaanki i ay dawlada ingiriiska oo ka wakiilka ah beesha caalamka oo maraykanu ka mid yahay ay ku cadaysay sida ay uga soo horjeedaan go’aanka madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo”.

Hase yeeshee lama saadaalin akro jawaabta uu madaxwayne Siilaanyo ka bixin doono aragtida maraykanka iyo inay la mid noqon doonto jawaabtii uu hore ugu gudbiyay waftigii ingiriiska iyo inay ka duwanaan doonto.

Wufuud kale oo ka socda midowga yurub iyo dalal kale oo reer yurub ah ayaa iyaguna todobaadkan soo gaadhaya caasimada somaliland ee hargeysa,iyaga oona xukuumadda somaliland soo gaadhsiin doona aragtidooda taban ee ay kaga biyo diideen in lakala qaado labada doorasho.

Socdaalada wafuudan ayaa kusoo beegmaya iyaga oo ay golaha wakiilada somaliland oo ah xildhibaanada mudada loo kordhinayo doorashada dib loogu dhigayaa aqlabiyad ku ogolaadeen soo jeedinta madaxwaynaha ee ah in lakala qaado labada doorasho oo ay danbayso doorashada golaha wakiiladu.

Go’aanka uu dhawaan madaxweynaha Somaliland ku kala qaaday doorashooyinka ayaa waxa uunoqday mid ay wal wal wayn ka muujiyaan wadamada Somaliland ka taageera dimuqraadiyada waxaana waqti hore isna sidan oo kale warsaxaafadeed ay soo saareen ku dhaliilay go’aamka madaxweynaha dawlada Ingiriiska oo ku tilmaamtay go’aanka madaxweynaha mid dhaawacaya sumacada dimuqraadiyada Somaliland.

Comments are closed