|

Wefti Uu Hoggaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya Oo Gaadhay Magaalada Baladweyne

Baladweyne (QJ/SDN) – Waxaa goor-dhaweyd gaadhay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan wafdi ballaadhan oo uu hoggaaminayo madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

xasan sheekh

Wafdiga Madaxweynaha Somalia ayaa waxaa ka mid ah; Wasiirka Amniga, C/risaaq Cumar Maxamed, Wasiirka Batroolka, Maxamed Mukhtaar Ibraahim, Wasiirka Dhallinyarada iyo Cayaaraha, Maxamed C/llaahi Xassan Nuux, iyo Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Xubno ka tirsan labada golle ee dowladda iyo mas’uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan ayaa ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha wafdiga madaxweynaha oo loo soo galbiyay xarunta maamulka gobolka.

Sidoo kale, lama oga ujeeddada rasmiga ah ee ka dambeysa safarka madaxweyne Xasan oo safarkiisan noqonayo kii saddexaad oo uu Magaalada Baladweyne ku tagay tan iyo markii uu soo if-baxay khilaafka ka taagan dhismaha maamulka gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe.

 

Comments are closed