|

Weftigii uu Hogaaminayay Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo Caawa Dib ugu Soo Laabtay Caasimadda Hargaysa

Hargaysa 22. October 2017 (SDN/QJ):-Weftigii uu Hogaaminayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamud Siilaanyo ayaa caawa Fiidkii dib ugu soo Laabtay Caasimadda Dalka ee Hargaysa Kadib Markii uu Socdaal ku tegay Qaar ka Mid ah Gobolada bari ee Dalka.

Weftiga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Hogaaminayo Waxa uu Safarkiisu daaranaa dhamaystirka Heshiis buuxa oo dhex maray Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland Iyo Kooxda Khaatumo  kaas oo si rasmi ah loogu kala saxeexday Magaaladda Caynaba ee Xarunta Gobolka Saraar.

Dhanka Kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo Wuxuu Xadhiga ka soo Jaray Mashaariic Horumarineed oo Xukuumadiisa Xisbiga Kulmiye ka hirgalisay Xarunta gobolka Sool ee Laascaanood halka uu dhanka kalena dhagax dhigay Mashaariic ay baahi weyn u qabaan shacabka Magaaladda Laascaanood.

Madaxweynaha iyo Weftigiisa oo ka soo ambo baxay maanta Magaaladda Burco ayaa Waxa qado sharaf loogu sameeyay Magaaladda Berbera.

Comments are closed