|

Xisbiga WADDANI oo Isku-Soo Baxyaddii ugu Ballaadhnaa Ka Dhigay Dalka+ Taageerayaashiisa oo Muujiyey Cudud Taageero oo Xooggan[+SAWIRO]

Hargaysa 23. October 2017 (SDN/QJ):-Kumanaan taageerayaasha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ah ayaa dhoolatusyo balaadhan ka sameeyay guud ahaan gobollada iyo degmooyinka Jamhuuriyadda Somaliland maalinta koobaad ee xisbigu u lahaa ololaha doorashada madaxtooyada ee 13 November. Masuuliyiinta ugu saraysa xisbiga ayaa kala qayb galay isu soo baxyada taageerayaasha oo kala hadlay fagaareyaal ay camireen taageerayaasha ku labisan calanka liimiga ah ee xisbiga kuna gaashaaman sawirrada musharraxa madaxweynaha Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Iyo kuxigeenkiisa Dr Maxamed Cali Cabdi.

Musharraxa Madaxweynaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), xoghayaha guud ee xisbiga Maxamed Cabdillaahi Uurcadde, masuuliyiin sarsare oo xisbiga ah, Salaadiin, siyaasiyiin iyo waxgarad kale ayaa fagaaraha beerta xorriyadda caasimada Hargeysa kala qayb galay kumanaan taageerayaasha xisbiga ah oo isaga yimid daafaha magaalada, islamarkaana halkaasi uga jeediyay khudbado ku saabsan barmaamijka xisbiga iyo isbedelka loo baahan yahay in lagu sameeyo talada Somaliland.

Hoggaamiyaha xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa taageerayaal wacdaro ka dhigay magaalada Ceerigaabo kala qayb galay ololaha doorashada, islamarkaana ku boorriyay in ay codkooda la ogaadan xisbiga Waddani. Guddoomiyaha ku-meelgaadhka ah Cabdiqaadir Ismaaciil Jirde ayaa isna  taageerayaasha kala qayb galay dabaal dega magaalada Berbera ee xarunta gobolka Togdheer. Maxamed Biixi Yoonis ayaa isna magaalada Burco kala qayb galay taageerayaasha xisbiga ee halkaasi ku muujiyay cududooda. Cabdirisaaq Khaliif ayaa isna magaalada Laascaanood kaga qayb galay isu soo baxa ololaha, halka meelo kalena ay madaxda xisbigu kula dabaal dageen taageerayaasha.

Guddoomiyaha ololaha ee xisbiga Waddani Xamse Khayre ayaa taageerayaasha xisbiga uga mahadceliyay isu soo baxa ay cududooda ku muujinayeen. Sidoo kale waxa uu sheegay in ay telefoonnada kala hadlayaan laba boqol oo kun oo qof (200,000 qof) oo ay waydiisan doonan codkooda, islamarkaana ay dadka guryaha ku garaaci doonan “Waxaan jeclahay in aan ka jawaabo afhayeenka xisbiga Kulmiye oo sheegay in xisbiga Waddani la soo hadlay dad islamarkaana dadku caruurtooda la soo hadlaan. Waxaan leeyahay anaga oo Waddani ayaa dadka la soo hadalnay codkooda ayaanu waydiisanayna, xaq bay u leeyihiin, dastuurka JSL ayaa xaq idiin siiyay in aad codkiina yeelataan ma cid baa idinla leh codkiina? Walaalayaal dadka cagtana waynu ugu tagayna, codna waynu kula hadlayna inta doorashada ka horaysa 200,000 qof ayaanu telefoonka kala hadlayna, waa barmaamijkii u horeeyay taariikhda doorashooyinka Somaliland ee xisbi taageerayaasha qof qof ula hadlo, dadka codka ayaanu waydiisanayna, codkaanu ka baryayna, waxaan halkan ka caddaynaya in xisbiga Waddani dadka qof qof ula hadli doono,” Sidaas ayuu yidhi Xamse Khayre oo xisbiga Kulmiye u eedeeyay in aanay waxba ka garanayn ka faa’iidaysiga teknoolajiyadda casriga ah.

Xoghayaha guud ee xisbiga Waddani Maxamed Cabdillaahi Uurcadde ayaa sheegay in bulshada ay u wadaan hoggaamiye waayo aragnimo badan u leh maamulka, islamarkaana dalka gudihiisa iyo dabaddiisa ka soo shaqeeyay. Waxa uu sheegay in Musharrax Cabdiraxmaan Cirro ka soo shaqeeyay dawladdii Soomaaliya oo uu heer safiir ka gaadhay iyo tobaneeyo sanno oo uu hoggaamiyaha saddexaad ee Somaliland ah, sidaas awgeedna uu yahay hoggaamiye waayo arag ah “Waxaanu idiin wadna hoggaamiye Samir iyo dulqaad leh oo dadka ka dhawra hadallada xun ee ragga qaar ku faanan ee ay umadda u quudhan, islamarkaana aan marna eray xun ku odhanayn qofka yar iyo ilmaha yar midna laakiin, go’aanka saxda ah qaata, waxaa la socda nin diblamaasi ah oo ka soo shaqeeyay safaaraddaha dibadda oo aad iyo aad u degan oo aan madaxweyne xigeen u ahayn nin ee Qaranka Somaliland madaxweyne xigeen u ah,” Sidaas ayuu yidhi Xoghaye Uurcadde.

Musharraxa Madaxweynaha Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa u mahadceliyay taageerayaasha guud ahaan gobollada dalka isugu soo baxay “Waxaan idiinka mahadcelinayaa in aad cadceedda taaggan tihiin saacado badan una dul qaadateen cadceedda aad taaggan tihiin. Waxaan doonayaa in aan la hadlo shacbiga Somaliland ee caasimadda Hargeysa, waxaan u diraya dadweynaha Somaliland aqlabiyadda shacbiga isbedel doonka ah ee meel kasta oo dalka ah bannaanada u taaggan muujinta dareenkooda. Maanta waa maalintii saddexaad ee ololaha doorashada. Maanta oo Isniin ah waxay bilaw u tahay bannaan baxyada badbaadada Qaranka, waxay kaw u tahay shacabka rajo doonka ah, waxay kow u tahay dib u soo noolaynta ididiilada dalka , waxay kaw u tahay daawaynta isbedel doonka ee xisbiga shacabka  ee rajada shacbigu ku midoobay. Maanta waa dharaar shacbigu kala dooranayo mustaqbal iyo meel la’aan, waa dharaar aynu hiil u doonayno Qaran ina wada deeqa, waa dharaar aynu ka hiilin doono kala qoqobka codka la idinkaga doonayo,” Sidaas ayuu yidhi musharrax Cabdiraxmaan Cirro.

Comments are closed